Guddoomiyaha Ruugta Ganacsiga Oo Faah-faahiyay Qodobo Ay Ku Heshiiyeen Madaxweynaha Iyo Ganacsatada Dalku

0
975

Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa ka hadlay kulan ay wada qaateen Madaxweynaha  iyo qaar ka mdi ah ganacstada oo lagu xaliyay cabashadii ay ganacsatadu ka muujiyeen isbedelka ay DP world ku samaysay saarrifka lacagaha.

Jamaal Caydiid ayaa sheegay in ganacsatadu aqbashay isbedelkii sarrifka, waxaanu isagoo u waramayay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal Tv uu yidhi  “Hawshaasi waxay keentay inay istaagto shaqadii ka socotay dekeda Berbera oo aanay ganacsatadu waxba kala soo bixin, arintaas markii madaxweynah JSL oo socdaal shaqo ugu maqnaa Imaaraadka uu maqlay codsigayagii ahaa inaan la kulano runtii markiiba waa uu naga aqbalay,madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi taas aad ayaanu uga mahadnaqaynaa shir ayuu noo qabtay.”

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Runtii wakhti badan ayaanu isku qaadanay si wanaagsan oo ah sidii dhaqanka inoo ahayd oo saraaxiya oo dhan u wada jeedno ayaanu u wada hadalnay, dano badan oo dalka khuseeyana waanu ka wada hadalnay dhamaantoodna waanu isku afgaranay iyada oo shaqadiina ay saaka ( Shalay) bilaabantay.”

Gudoomiye Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay qodobada, In DP World oo ka cabatay sarifka hoos dhaca ah ee ku yimaada marka ay naga qaadaan lacagta Somaliland ee iyagu dib ugu badalayaan doolarka, kaas oo aanu ka heshiinay, laba waji ayeyna ahayd kaas oo wajiga hore bilaabmayey 12 March oo lagu darayey sarifka lacag dhan 1500 iyo wajiga labaad oo ah 12 June in lagu daro 1500 oo kale, Madaxweynuhu cabashadayadii wuu tixgeliyey waxaanu ka saaray 1500 ee June la kordhin doono, kordhiskiina wuxuu noo soo jeediyey anaguna waanu aqbalnay.”

Sidoo kale gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland waxa uu sheegay in heshiis laga gaadhay cabasho ay ka qabeen liisamada ganacsiga ee ay ganacsatada dalka la siiyo waxaanu yidhi “Waxa soo raaca cabashooyin aanu ka qabnay liisamada ganacsatada la siin jiray oo dhibaato ka taagnayd gobol walbana ogyahay, dhibaatadaasi waxay ahayd liisamada ganacsatada la siin  jiray oo sadedx nooc ahaa kuwaas oo kala xadayntoodii muran keenay, saddexdaas liisana hay’adihii dawlada ee ay kala khusaysay ee ganacsiga, maaliyada iyo dawlada hoose dukaamadii iyo bakhaaradii isku waydaarteen taas oo keentay in meherado badani xidhmaan qaarna muran keenaan halka kuwo kalena hadidaad la kulmeen, madaxweynuhuna arintaas go’aan ayuu ka gaadhay wada hadal noo socdayna wuu sii xoojiyey.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here