Wasiirka Waxbarashada Oo Banaanka Soo Dhigay Khilaaf U Dhexeeya Wasaaradiisa Iyo Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta

0
1302

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada Cismaan Jaamac Aadan ayaa wasaarada diinta iyo awqaafta ku dhaliilay inay maroorsanayaan shaqadii dalka uu u xilsaartay.

Wasiirka waxbarashada Cismaan Jaamac ayaa dibadda soo dhigay khilaaf balaadhan oo u dhaxeeya wasaaradaha diinta iyo awqaafta iyo waxbarashada, waxaana uu sidan u sheegay Weriye  Badri Koosaar oo ka mid ah Eryal Tv,  wasiirka ayaa sida oo kale ka hadlay dhismaha laga dhexdhisay dugsiga Sheekh Bashiir  oo ay joojiyeen.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay inay wasaaradda waxbarashadu ka dalbatay wasaaradda diinta iyo awqaafta inay joojiso diiwaangelinta madarasadaha dalka,  “In laysku ixtiraamo haayad waliba dalka hawsha ay u hayso sidaas ayuu dalku ku dhismayaa in laba haayadood oo labaduba dalka u shaqeeyaa ay iskaga horyimaadaan arin mid loo xilsaaray oo dalku uu u dhiibtay maaha waanu ka xunahay,waanu u qornay wasaarada diinta iyo awqaafta inay arintaas joojiyaan, warkii ugu danbeeyay ee aan  ka akhriyay jaraa’idku waxa uu ahaa in marka ay dhameeyaan diiwaangalinta oo Hargeysa ay wax yari ka hadheen haddana ay u gudbayaan gobalada dalka waanu kala hadalnay mana muuqato inay halkaas isku taagayaan, waxaanse filayaa in miyirka iyo maanku uu shaqeeyo cid walba loo daayo waxa uu qarankani u igmaday.”

Waxa uu wasiirka waxbarashdu ka hadlay dugsiga Sheekh Bashiir oo dhisme ka socda ay joojiyeen “ Wiigag ka hor ayaa dhismahaas la joojiyay, haddana waxa naloo soo sheegay in la dhisayo oo la arkay iyada oo la dhisaayo mar danbe ayuu maayarku amar ku bixiyay  haddana in la joojiyo,anagu waxaanu joojinta u qornay oo ka codsanay duqa magaalada talaabadaas waa uu qaaday waana la jabiyay haddana waa uu qaaday inuu sidaas dhismihii ku joogsadayna waan filayaa.”

Waxa uu wasiir Cismaan sheegay inay raadinayaan cida dhismahaas wadda “Dhismahan sida marka hore loogu talo galay iyo sida uu imika noqday ayaa kala duwan, waqfi ayaa lagu sheegay inuu masaajidka u noqdo ta la doonayaana waa in uu waqfi noqonaayo oo aan wax kale loo isticmaalayn, shuruuda noocaas ah haddii la buuxiyo oo ay noqoto masuuliyad ay cidi qaado anagu ma lihin dhismahaas ee misaajidkaa iska leh waxii ka soo baxana isaga ayaa leh, haddii taas la garab marana waa danbi, laakiin inta aan la garan cid dhisaysa iyo cid leh waa uu xidhnaanayaa.”

Masuuliyiinta asaaradda diinta iyo awqaafta oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyay eedaha uu u jeediyay wasiirka waxbarashadu ayaanay noo suurtogelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here