” Waxaanu ugu horaysa aanu raali ku nahay  wax alle iyo waxii umadda reer Somaliland xisbiyadeeda iyo xukuumadeedu ay ku heshiiyaan”

0
712

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Axmed Yaasiin Shaakh Ayaanle, ayaa sheegay in golaha wakiiladu uu raali ku yahay wax kasta oo xisbiyada iyo umadda reer Somaliland ay ku heshiiyaan si doorasho dalka ay uga dhacdo.

Waxa uu sida oo kale uu sheegay in ay kuraasta si rasmi ah u banaynayaan maalinta la heshiiyo ee doorashooyinka loo dareero, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Saab, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“ Waxaanu marka ugu horaysa aanu raali ku nahay  wax alle iyo waxii umadda reer Somaliland xisbiyadeeda iyo xukuumadeedu ay ku heshiiyaan inaan soo dhawayno oo aan ku faraxno oo meel marino, nidaamka ugu wanaagsan ee marka lagu yidhaahdo dawlad qeex waa sharci iyo kala danbayn umadina intay shuruucdeeda ixtiraamto ayay umad sii jiri karta tahay. Khilaafkii ka dhashay  komishankii cusbaa  ragii isku taagay ee yidhi khilaafkaas xukuumada iyo xisbul xaakimka iyo xisbiyada dhex yaala ayaanu doonaynaa inaan wax ka xalino waan u mahadnaqaynaa  waxaanay ku hadleen siday la noqotay oo dan ayay moodeen, golaha wakiilada ee Somaliland aniga oo afkooda ku hadlaaya golahu mudo dheer ayuu fadhiyay oo ka badan mudadii loo doortay,anaga dan ayay noo tahay in wax lagu heshiiyo waxaas lagu heshiiyayna uu naga fulo arimaha doorashooyinka caqabada ku ahaa saacada lagu heshiiyo saacada ku xigta diyaar ayaanu nahay inaanu meesha banayno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here