Dawlado Reer Galbeed Ah Oo Dedaal Ugu Jira In sannadkan 2020 Ay Dib U Furmaan Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
934

 

Hargeysa(Geeska)-Dawladaha reer galbeedka ayaa dedaal ugu jira in sannadkan cusub ee 2020 uu noqdo mid soo celiya wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

Dawladaha reer galbeedka ayaa guclo ugu jira in sannadkan 2020 ay kulankoodii u horeeyay yeeshaan labada Madaxweyne ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, si loo soo celiyo wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo istaagay ka dib markii ay labada Madaxweyne hawada isu mariyeen hadalo kulul oo sabab u noqday in wada hadaladu meesha ka baxaan.

Dalalkan ayaa waxay bilihii u dambeeyay ee sannadkii dhammaaday ee 2019 diblomaasiyiin jawi hoose ku socday u kala direen Haargeysa iyo Muqdisho kuwaas oo kulamo la yeeshay labada Madaxweyne kana dalbaday inay sameeyaan jawi wada hadalada lagu soo celin karo.

Dawladaha dedaalka ku jira waxa ka mid ah dawladda Sweden oo bishii November Hargeysa iyo Muqdisho u doo dirtay diblomaasi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa miisaaniyada sannadka 2020 waxa ay wada hadalada Somaliland ugu dartay lacag qadarkeedu ku dhowyahay 500 oo kun oo dollar, waxase qoondadaas aad u dhaliilay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaanay guddi uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadaladu sheegeen inay doonayaan in wada hadaladu u bilaabmaan sida ugu dhaqsaha badan.

Laakiin ergayga Madaxweyne Biixi u qaabilsan wada hadalada Marwo Edna Aden Ismaaciil, ayaa sheegtay inkastoo ay Somaliland diyaar u tahay wada hadalada, haddana inay Somaliland marka hore doonayso ina la fuliyo qodobadii hore loogu heshiiyay ee uu Farmaajo laalay. “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar”. Ayay tidhi.

Si kastaba ha ahaate, dawladahan reer galbeedka oo ay Sweden wakiil uga tahay wada hadalada ayaa doonaya in la xaadho caqabad kasta oo ka horiman karta wada hadalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here