Baanka Itoobiya oo doonaya inuu Somaliland xarun ka furto iyo walaaca ay ka qabaan caqabada aqoonsi la’aanta Somaliland

0
313

Wargeyska The Ethiopian Herald oo shalay warbixin ka qoray doonista baanka dhexe ee itoobiya

Hargeysa(Geeska)-Baanka dhexe ee Itoobiya (CBE), ayaa doonaya inuu xarun ka furto Somaliland, waxase uu ka walaacsanyahay caqabada aqoonsi la’aanta Somaliland.

Wargeyska The Ethiopian Herald ee ku hadla afka dawladda Itoobiya, ayaa cadadkiisii shalay qoray in Baanka dhexe ee Itoobiya doonayo inuu sannadkan cusub ee 2020 baalashiisa ku fidiyo dalalka gobalka oo ay Somaliland ku jirto, wuxuuna wargeysku sheegay in madaxda baanku ay muddooyinkan dambe daraasaad iyo qiimayn ku samaynayeen suuqyada kala duwan ee Somaliland.

Warbixinta uu wargeyska The Ethiopian Herald qoray oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa u qornayd sidan “Waxa u qorshaysan Bangiga Ganacsi ee Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia (CBE)) inuu ku fidiyo joogitaankiisa ganacsiga dalalka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Somaliland, iyada oo Somaliland ay ballan qaaday inay samaynayso Xeerka Maaliyadda iyo Maalgeshiga oo albaabka u furaya arimeheeda maaliyadeed hay’adaha shisheeye ee maaliyadda.

Sida uu ku dhawaaqay Banigaga Dhexe ee dalku [Somaliland], xeerka waa la dhamaystiray, wuxuuna wadada u xaadhayaa ganacsiyada shisheeye inay ka shaqeeyaan dalka Somaliland, iyaga oo rajaynaya in hay’adaha iyo ganacsiyada Itoobiya ay soo galaan dalka. Sida uu Bangigu sheegay, xeerka cusub ee la horgayn doono Baarlamaanka waxa la rajaynayaa in la ansixiyo January.

Zekarias Mekonnen oo ah Agaasimaha Maaraynta Maalgashiga ee bangiga Ganacsi ee Itoobiya (CBE) ayaa ka wada qiimayn si looga dhigo Somaliland mid ka mid ah meelaha Bangigu xarumaha ku leeyahay. Xaqiiqda ah in Somaliland ay qaaday talaabo ay ku samaynayso xeer caynkaas ah wuxuu u yahay fursad bangiyada gobolka iyo is-dhexgalka gobolka.

“Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu kor ugu qaadi lahayn awoodayada maaliyadeed, tiknoolaji iyo shaqaale si aanu uga faa’iidaysano fursadda oo aanu isugu balaadhino dalalka deriska ah. Waxa ay sidoo kale u baahan tahay qiimayn lagu sameeyo faa’iidada dhaqaale, qarashka hawlgal iyo suurtagalnimada suuqa.” “Durba waanu dhamaynay qoraalkii hordhaca ahaa ee qiimayntaas oo waxaa ka doodi doona maamulka [bangiga].”

Zakarias wuxuu ku daray in xasiloonida, maalgashiga tooska ah ee shisheeye oo sii kordhaya iyo GDP geedu uu ka dhigayo Somaliland fursad suuq la door bidi karo. Haseyeeshee, wuxuu yidhi ilaalinta nidaamyada caalamiga ah ayaa ah caqabad soo food saari doonta maalgashi lagu sameeyo dalka sababta oo ah dalka oo aan si buuxda aanay bulshada caalamku u aqoonsanayn.

Maaha markii u horaysay ee bangiga CBE uu ka furtay laamo dalalka deriska ah. bangigu wuxuu hore uga furtay laamo Jibuuti, Koonfurta Suudan, iyada oo qorshihiisi ahaa inuu ka furto Sudan ay dib u yara riday xaaladda siyaasadeed ee dhowaan dalka ka dhacday.

Ujeedada kowaad ee uu uga qabanayo ganacsi dalalka deriska ahi waa in la kobciyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka islamarkaana la xaqiijiyo isku socod xor ah ee maalgashi iyo maaliyadeed, ka sokow in la kordhiyo faa’iiadada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.