“Waxaanu Leenahay Biyaha Baribaa Laga Keenayaa Barina Waa Loogu Talo Galay”

0
473

Picture4Hareysa(Geeska)-Wejigii labaad ee mashruuca biyaha ee Xunbo-weyne ayaa lagu dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabayo fulintiisii, iyada oo la bilaabi doono barkadii kaydka biyaha iyo dhuumihii ka soo qaadi lahaa ceelasha biyaha.

Waxa sidan ku dhawaaqay wasiirka biyaha Xuseen Axmed Cabdilaahi iyo maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis, waxaanay si cad u sheegeen in biyahaas si toos ah loo keeni doono qaybta magaaladda loogu talo galay,iyaga oo meesha ka saaray in biyahaas oo laga keenayo dhanka bari ee Hargeysa aanay suurta gal ahayn in galbeedkeeda la geeyo, wararkaas oo ay ku tilmaameen kuwo dacaayad ah.

Waxa ay sidan ku sheegeen labadan masuul shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen ugu horayntii maareeyaha wakaaladda biyaha Ibraahin Siyaad waxa uu yidhi “Waxa nasiib wanaag ah maanta mashruuc aanu in badan sugaynay oo marxalado badan soo maray oo maalinba meel taagnaa oo ah marshuucii ay dawlada Imaaraadka Carabtu inoogu deeqaday ee wajigii labaad ee Xunbaweyne ee isugu jiray beebka iyo baraagii,waxa yimi qolo kuwii marshuuca ina siiyay ka socda waxaanay noo sheegeen in mashruucaas la sii daayay, sadex bilood ayuuna imika saxeexnaa,waxii maanta laga bilaabana fulintiisii ayaa inoo bilaabmaysa,marshuucaasina inuu biyo la’aanta Hargeysa wax ka qabto ayaynu rajaynaynaa, waxaanu dadweynaha ugu bushaaraynaynaa in mashruucaas  oo mudo la sugaayay uu hirgali doono.”

Intaas kadib wasiirka biyaha Xuseen Axmed Cabdilaahi ayaa isagu sidan yidhi“Waxaan rabaa inaan dadweynaha ku dhaqan Hargeysa ugu bushaarayno marshuucii inta badan soo jiitamaayay, inuu maanta halkii ugu wanaagsanayd maraayo khalifa foundation oo marshuucaas iyo kuwo kale oo badanba ugu deeqday Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay diyaar u yihiin inay dhaqaajiyaan mashruucii, waxay kale oo noogu bushaareeyeen in mashaariic kale oo wax ku ool ah ay marshuucan daba socdaan, taasna wakhtigeeda ayaanu sheegi doonaa, laakiin arintii biyahu halkii ugu wanaagsanayd ayay maraysaa, codsi aanu dhawaan u gudbinay oo ahaa dhuumaha biyaha soo qaada oo aanu u aragnay inay aad iyo aad u yar yihiin waxa nooga qabtaan oo noo badalaan taasna way naga aqbaleen, waxay kale oo ay naga aqbaleen wajigan labaad ee marshuuca ee ay bilaabayaan in wasaarada iyo wakaaladuba ay dabogalkeeda wax ku leeyihiin iyo badalida waxii xumaadaba taas oo ah wada shaqayn aan hore u jirin, waxaan mar labaad dadka ugu bushaaraynaa biyahaas xunba weyne Hargeysa ayaa la keenayaa halkii loogu talo galayna waa ay tagayaan, mana jirto meel kale, inkasta oo aanu maalin dhawayd maqalnay Geeddebleh ayaa la gaynayaa, waxaanu leenahay biyaha baribaa laga keenayaa barina waa loogu talo galay, biyaha bari loogu talo galay galbeed ayaa la gaynayaa oo hadana bari ayaa lagu celinayaa sidaas caqli saliima maaha, manay dhicin mana  dhacayo, biyahuna halkii loogu talo galay ayay tagayaan.”