Nin Ka Gadooday Heestii Madaxweyne Siilaanyo Loo Alifay Oo Weeraray Jaamac-Riyo

0
661

Picture5Hargeysa(Geeska)-Nin magaciisa lagu sheegay Mr. Dugulo, ayaa shalay weerar ku qaaday xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo), kaas oo ka gadoodsanaa hees uu xildhibaanku dhawaan baahiyay oo uu u sameeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ninkan ayaa xildhibaanka shaah dusha kaga shubay isagoo xildhibaanku ku sugnaa xarunta Baarlamaanka Somaliland, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaadhay xildhibaanka oo uu shaahaas kululi sababay. Jaamac ayaa saxaafadda u sheegay in ninkaasi markii uu falka gaystay uu cararay balse ay ciidamada Boolisku soo qabteen kuwaas oo xabsiga ku xidhay.

Jaamac wuxuu sheegay inuu ninkaas la dagaalamay ka gadoodsanaa heesta lagu magacaabo “Soo daata’ ee uu dhawaan u sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ah hees ka miisaan culus heestii caanka ahayd ee uu Jaamac-Riyo hore ugu sameeyay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, taas oo magaceedu ahaa “Ka dhaadhac.’