Faadumo Siciid Oo Beenisay Inay Is Khilaafeen Xisbiga UCID

0
717

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha maaliyada ee xisbiga UCID marwo Faadumo Siciid, ayaa meesha ka saartay in wax khilaaf ah uu u dhexeeyo iyada iyo xisbiga UCID, waxaanay warar arintaas ku saabsan oo soo baxaayay ay ku tilmaamtay kuwo ka mid ah kaanbayn  ay xukuumaddu ku doonayso inay ku wiiqdo xisbiga UCID.

Waxaanay xukuumadda ku canaanatay in hantida qaranka ay u isticmaalayaan burburinta xisbi qaran, waxaanay sidan ku sheegtay marwo Faadumo Siciid waraysi ay siisay shabakada Hadhwanaagnews. Waxaanay ugu horayntii iyada oo arimahaas ka hadlaysaa ay tidhi “Warkaasi meel laga soo qaaday garanmaayo mana jiro, laakiin sida aad u ogtihiin baryahanba waxay xukuumaddu lacag faro badan ku bixinaysay in dad bari hore xilka laga qaaday ay soo kiciso oo ay tidhaahdo dhaha waanu is casilnay, waxaan u malaynayaa in kaanbaynkaas ay dawladu doonayso inay dadka ku niyad jabiso uun ay arintana ka mid tahay, waxaan is casilayaana ma jirtaan, Jamaal aanu is qabsanayna ma jirto.”

Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi“Lacagtii ay aadka wax ku tari lahaayeen inay xisbi ku burburiyaan waa mid iyaga ku ceeb ah, maanta waxa looga fadhiyaa maceeshadii oo qaliyowday,dhaqaalhii oo hoos u dhacay iyo fadhataysiga Somaliland inay wax ka qabtaan,waxay doonayaan inay UCID ka dhigaan meel laga tagaayo, laakiin dadkay noogu sii badinayaan oo taageerayaal ayaanu ku helaynaa.”