“Waxaanu Ku Celinaynaa Inay Xukuumadani Jebisay Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Ay Dalka Ku Maamuli Jirtay Oo Ay Bilowday Fowdo, Sharcigana Ka Talaabsatay”

0
527

waddHargeysa(Geeska):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kalena ah Guddoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland,Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga ay Xukuumadu u gaysatay Xoghayahii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Xasan Axmed Goodaad oo ay Xukuumadu ay maamlo ka hor xidhay,waxaana uu masuuliyada xadhiga sarkaalkaasi uu dusha ka saaray in uu Masuul ka yahay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudah Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde oo uu sheegay in aanay cid kale la wadaagin. Md:Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Geeska Afrika,waxaana uu ugu horeyn uu sheegay in xadhiga la xidhay Sarkaalkaasi ay tahay in ay Xukuumadu ay baal martay qawaaniintii dastuuriga ahayd ee qarankan u yaalay,isaga oo sida oo kalena ugu baaqay Xukuumada Siilaanyo in ay si dag deg ay u sii dayso Sarkaalkan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. "Horta arrintaasi waxaa ay ku tusinaysaa nidaamka kalitaliska ah ee ay Taliskaa maanta dalka ka talinayaa uu ku dhaqmaayo,aad iyo aadna waanu u cambaaraynaynaa aad iyo aadna waanu uga xunahay,waxaana aanu leenahay xoriyadiisii sida ugu dhakhsaha badan ha loogu soo celiyo,marka kale waxaanu u sheegaynaa in aanan u dulqaadan doonin in si fawdo ah oo sharciga baal marsan ee dadka muwadiniinta ah khaasatan Saxaafada iyo Saraakiisha Axsaabta Mucaaradka ah sida foosha xun ee ay ula dhaqmayso baryahan danbe in aanan u dulqaadan doonin lana aqbali doonin,isla markaana laga hor iman doono,waxaana aanu arrintaa aanu ku eedaynaynaa in ay sharci jabin ay tahay,waxaanu sheegaynaa in ay tahay qawaaniintii iyo shuruucdii dalka oo la baal maray,waxaanu kale oo aanu ku celinaynaa in ay Xukuumadani ay jabisay nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee ay dalkan ku maamuli jirtay isla markaana ay bilowday fowdo ay sharcigii ka dul talaabsatay oo ay dadkii muwaadiniinta ahaa ee ahaa Saraakiisha Xisbiyada Mucaaradka ahaa iyo Saxaafadaba aanay u aabo yeelin oo ay xidho isla markaana sifo sharciga ka baxsan loogu hayo Xarumaha kala duwan ee CID-da".Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata,ayaa waxaa uu sheegay in sarkaalkani aanu cid kale u xidhnayn balse uu u xidhan yahay oo qudha Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde,waxaana uu yidhi: "Arrintan Sarkaalka hada xidhan hadaan inyar aan kuugu noqdo,waxaa uu ahaa Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI,runtiina waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u akhlaaq wanaagsan oo runtiina aan ahayn dadka Saxaafada aadka ugu badan,kumana uu dheerayn jirin canaanta Xukuumada ama dambiyada badan ee ay Xukuumadu gasho dadka sheeg sheega aan ahayn,waxaa uu ahaa nin dagan oo ka indha qarsada fool xumada ay Taliska maanta dalka hayaa ay samayso,waxaana kaliya hal maqaal oo hadhwanaag siiyey uu ninkaa Wasiirka ah ee Cali waran Cadde la yidhaahdo oo isagu markii hore ka mid ahaa Saraakiishii Xukuumadii Daahir Rayaalena Jarka ka tuurtay uu ku soo xidhay,Nidaamkan uu ku dhaqmayaana waa kii,dawladii hore ee uu ka tirsanaan jiray ay afka dhulka ugu dhacday,imikana qaabkan uu u dhaqmayaa waa mid taa hor la mid ah,oo uu isaga laftarkiisu Siyaasiyan uu ugu tala galay in uu iskaga horkeeno Taliskan maanta dalka ka talinaya,iyo dadwaynihii soo doortay ama umadda reer Somaliland uu iskaga horkeeno,Falkaasina cid kale oo la wadaagtana ma jirto oo uu sarkaal kaasi u xidhan yahay,isaga ayaana ka masuul ah oo uu u xidhan yahay,waxaana aan u sheegaynaa in aan looga hadhi doonin oo mar uun sharciga la horkeeni doono,Waana Xaqiiqo ninkaasi isaga ayaa soo xidhay,isaga ayaa uu u xidhan yahay,waxaa kale oo uu kaga daray farsamo xumaanta kale ee aanu saldhig ku xidhin oo waxaa uu ku xidhay xarunta CID-da,markaas ayaa waliba dadkii loo haystay arrimaha argagaxisada uu meel kula xidhay,waxaana ay arrintaasi  noqonaysaa ". Afhayeenka Xisbiga WADDANI sida oo kale waxaa uu meesha ka saaray in Guddoomiyaha Aqalka Golaha Guurtida Md:Saleebaan Maxamuud Aadan uu soo dacweeyey Sarkaalkan,waxaana uu tibaaxay in aanu sarkaalkani u xidhnayn isaga oo taas ku sababeeyey in aan illaa hada la maqal wax dacwad ah oo uu u qabo Sarkaalkan oo hadalo dhaliilo ah oo xoogan uu soo jeediyey Guddoomiyaha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland. “Horta qofkasta oo Masuul qaran ah dambigii uu umadda ka galay,dee taariikhda ayaa xusaysa umadduna dee waa taariikhdii oo socota.Umadda reer Somaliland dee waa ay arkaysaa in waxan uu ku sheegayaa ay wax jira ay yihiin,oo qofka haddii wax aan jirin lagu shaambadeeyo ama lagu soo eedeeyo,waa dee arrin sifihii anshaxa ahaa ama dee hadalka qofka masuulka ah meel ka dhac ku noqon karaysa,laakiin marka eed laguu soo jeediyo adiga oo masuul qaran ah eedaasina ay ahayd mid aad hore u gashay in aad adigu ka gubato maaha,waxaan kuu sheegaya Masuulka eeda loo soo jeediyey mabuu ka doonin manuu ka gubanin ii xidhana muu odhan,nin kale oo ay isku reer yihiin oo ay haybta guud ay wadaagaan,ayaa arrintaas dee darajo iyo wax uu ku doonanayo anagu garan maynee,kusoo xidhay arrintan ninkaa oo uu hada u xidhan yahay oo uu maxbuus u yahay"Ayuu yidhi Md:Ibraahim Buubaa Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaa uu sida oo kale uu ayaan darro ku tilmaamay in Xukuumada hada talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay xaraashto baa uu yidhi goobihii hantida umadda ee danta guud,waxaana uu sida oo kale carabka ku dhuftay in ay taariikhda ugali doonto iibinta hantida dadweynaha.  "Iibinta Hantidii Umadu Waa isir tir hantidii umadda ee Qaranku lahaa,oo ay Xukuumadu go'aan ku gaadhay in ay tirtirto oo ay baabi'iso,waana fal taariikhda u galaaya oo aan ka hadhi doonin,waxa aynu ka warhaynaa maaha oo kaliya GAANDI Library oo qudha dhulkii magaca lahaa ee ay Xukuumadani ay isku dayday in ay iibiso,ama ay isku dayday in ay faasaxdo aad ayaa ay u badan yihiin,waxaa ka mid ahaa goobo macruuf ahaa oo ku yaala Burco oo ay umaddu dadkuna ay iskugu iman jireen,lana dhisay xiligii guumaystihii,ee Ingiriisku wadanka uu haystay,oo xataa dawladihii Milatariga ahaa ee Wadanka soo maray ay ka xishoodeen in ay tirtiraan,ayey Xukuumadani ay tirtirtay,waxaa kale oo ay baabiisay oo umadduna ay ogtahay dhulkii shacabka ee magaalooyinka waawayn,oo dad shakhsiyaad gaar ah Abaal gud iyo wax loo siinaayo iyo inkale anagu garan maynee waraaqo loogu samaynaayo oo lagu wareejinaayo,qaar koodna la leeyahay waa laga iibiyey oo laga xaraashayo,waxyaalahas oo dhanba waa sifo qaldan weeye,Xukuumada waxaa laga rabay oo laga rajaynaayey in ay Hantidaas ay Illaaliso oo ay waliba hantidaa hanti kale ay ku soo darto oo ma guurta ah,laakiin loogama fadhiyin in Hantiyihii hore waxii guumaystahii ahaa ay dalka ka sameeyeen,in ay inta ay ku soo jeesato ay u soo tafaxaydato in ay Xaraashto,arrintaasi waa arrin magaceeda ku yaala oo fool xumo ah,waana taariikh aan ka hadhi doonin"Ayuu yidhi Md:Buubaa

Md:Ibraahim Buubaa,waxaa uu sida oo kale uu uga digay dadka gacnacsada ah in ay maalkooda ay ku iibsadaan goobaha Hantida Umadda dadweynaha,waxaana uu yidhi:"waxaana aanu leenahay dadweynaha shicibka ah ee la leeyahay waa lagu wareejinayaa ama laga iibinaayo hantidaas,waxaanu leenahay ka Illaashada hantidiina meel umaddu ay wada leedahay shareecada Islaamiga ahna qalad ayaa ay ku noqonaysaa,xaga sharciga kalena qalad ayaa ay ku noqonaysaa”.

Ugu danbayntiin Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,waxaa uu waxaa uu si kulul u cambaareeyey xadhiga loo gaystay wariyeyaasha Talefeeshanada Horn Cable iyo Somsat uga soo warami jiray magaalada Gabiley,oo ay Xukuumaud ay xabsiga u taxaabtay.

"Aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga Saxaafada loo gaystay,oo hore ayaa ay u xidhay Xukuumdani haayado dhan oo Saxaafadeed,Saxaafaduna waa Tiirka Afaraad ee qarankan uu leeyahay u jeedada Saxaafadana ay Xukuumadu u xidh xidhaysana wax kale maaha ee waanu ogaan falalka foosha xun ee Xukuumadani ay ku dhaqmayso,waayo warbaahintu waxa weeye qof kasta oo gurigiisa iska jooga ama shaqadiisa iska jooga waa Xukuumadani qaabka ay u dhaqmayso cidii gaadhsiin lahayd.Markaa waxaa ay doonaysaa in dadka ay aqal madow inta ay galiso ayna dadku ogaan qaabka ay udhaqmayso iyo sida ay dalka u maamulayso,Markaa hada suxufiyiinta la xidh xidhay waanu cambaaraynaynaa Xeerkii Saxaafada ee qarankana dambi ayaa ay ka gashay,Suxufiyiintana waxaanu leenahay oo aanu ugu baaqaynaa in Xoriyadoodii sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo,Haayadaha kale ee Xidhan ee iyaguna saxaafada ahna in faraha laga qaado".Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.