Ucid Oo Qaabilay Qaar Ka Mida Ganacsata Suuqa Waaheen Oo Kulmiye Ka Soo Baxay

0
470

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa munaasibad balaadhan u qabtay qaar ka mid ah Ganactada suuqa Gobonimo  ee magaalada Hargeysa oo shaaca ka qaaday inay ku biireen xisbigaasi.

Munaasibad balaadhan oo xisbiga UCID ganacsatadan ugu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaas Cabdirashiid Xasan Mataan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Dadweyne aad u tiro badan iyo marti sharaf kale.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirshiid Xasan Mataan oo isagu Munaasibaas  ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga UCID waxaanu yidhi “Waxaan aad u hambalyeynayaa Dhalinyarada Ganacsatada ah ee Suuqa Gobonimo ee gartay in hiilkii ay siiyeen Xisbiga Kulmiye la gaadhay wakhtigii ay ka go,aan qaadan lahaayeen inaanu hiilkoodu cidla ku dhicin, waxay garteen in hiilkii ay u hiiliyeen Xisbiga Kulmiye aanu Somaliland u hiilin, shacabkii u hiilin, xisbigii ay ka soo baxeena u hiilin.”

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay sida ay u arkaan inay qabtaan hogaanka dalka waxaanu yidhi “Xisbiga cadaalada iyo daryeelka, hogaankiisa iyo Musharaxiinta Maanta jooga ee ka tartamaya sida ay Maanta u arkaan kursiga iyo xilkan lagu socdo, marka ugu horaysa waxaan idiin cadaynayaa inaanu anagu u aragno meesha aanu ku socono inay tahay meel naloo gaynayo inaanu ugu adeegno shacabka, oo aanu noqon doono adeegayaal shacab, waxaanan muujin doonaa inaanu tusaale ka noqono inaanu nahay adeegayaal shacab si aad kuwa naga danbeeyana ula xisaabtami kartaan, masuuliyadana haddii aan laysku daba galin oo aan laysku xisaabin waa lala lumaa, dalkeenana waxa ka dhacay xisaabtan la,aan, marka uu maamul xumaado, xisaabtan la,aan dhacdo ayuu qof jeclaysi yimaaada, musuq maasuq dhacaa, is nacu yimaadaa burburkuna xigaa, maantana waxaynu maraynaa meel aad u liidata oo shacabkii la kala kaxeeyey.”

 Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga UCID ku soo biiray, waxaanu  yidhi “Waxaan qabaa inay xisaabtan ku yimaadeen Suuqa Gobonimo, Ganacsatadooda, Dhalinyaradooda, wax garadkooda iyo Haweenkooda iyaga oo ka tirsan xaafada 26-ka June oo iyaduna raadinaysa xiligii aynu Gobonimada ka qaadanay mustacmarkii Ingiriiska, waxaan qabaa inay ganacsatadu u badato dad danaystayaal oo hadba u dhawaada hadba maamulka jira markhaatina waxaan ka ahay in reer Gobonimo magaca ay la baxeen inuu ku banaan yahay, horseedka reer Gobonimo waxan qabaa inay  UCID ka dagtay oo ay nala soo  dagtay taawarkii Berbera laga xukumayey iyo muraayadii laga daawanayey, waxaanan qabaa in haddi caqli iyo cudud lagula soo biiray inaan guushu intay noo jirtana aanay fogayn”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka ka taagan xeerka diwaan gelinta madaniga ah, waxaanu sheegay inuu sharcigaasi si xalaal ah uga baxay golaha wakiilada waxaanu yidhi “Maalmahan muran meeraysanayey dadka dhexdiisa, sharciga ayaa laysku haystaa, guurti ayaa diiday, waxaan idiin sheegayaa sharcigaasi Sifo Sharci ah oo buuxda ayuu uga gudbay Golaha Wakiilada, waxaanu  yaalaa Golaha Guurtida, haday liqayaan iyo haday tufayaan, aniguna waxba odhan maayo Xildhibaanada dibad meerka ah laakiin cida ay caawa taladu la taalaa waa Golaha Guurtida, halkii ay dhigayaana ha dhigaan, sharcigaasina waxa uu ku gudbay sifo sharci ah oo aan mad madaw lahayn.”

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa  soo dhaweeyey Taageerayaasha cusub ee ku soo biiray  uga waramay taariikho kala duwan oo uu xisbigaasi soo maray, waxaanu ka hadlay siyaasad ay xukuumaddu doonaysay inay xisbiga UCID kaga reebto Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay.

 Dhinaca kale waxa munaasibadaas ka hadlay qaar ka mid ah Xoghayayaasha, Guddoomiyayaasha Gobolada ee UCID iyo Xubno kale oo ka mid ah Ganacsatada Suuqa Gobonimo kuwaas oo sheegay inay taageeradooda la garab taagan yihiin xisbiga UCID.