“Waxaanu Cadaynaynaa Inaanay Saxaafadu Haysanin Ammaan Sugan”

17
570

Hargaysa (Geeska) – Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay tacadiyada waaweyn ee ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku hayso saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka dastuurku muwaadiniinta xaqa u siiyay.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo wer-wer weyn ka qabba sida ay xukuumadda Somaliland ula dhaqmayso warbaahinta dalka oo ka soo gudubtay marxalado badan isla-markaana aan dalka ku qabin manfac, balse u dhabar adayga sidii dalkoodu uga mid noqon lahaa dalalka horumaray, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey Sida xuduudka lahayd ee xukuumadda talada haysaa ugu tumatay xoriyatul-qowlka iyo madax-banaanida saxaafadda dalka oo ay u adeegsanayso ciidamadii loo baahnaa inay si dhexdhexaadnino ah muwaadiniinta ugu adeegaan.

Guddoomiye ku xigeenka ururka SOLJA, Maxamed Cabdi Curad iyo xoghayaha ururkaasi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa shirkooda jaraa’id si kulul ugu cambaareeyay talaabada xukuumaddu kula wareegtay xarunta Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubaal markii labaad, iyada oo aan waxba laga qabanin weerarkii hore loogu geystay Masuuliyiinta Hubaal.

Maxamed Cabdi Curad, oo falkaasi cambaareynayaana waxa uu yidhi “Waxaanu falkaa u aragnaa (Weerarka Hubaal lagu qabsaday) mid Xoriyatul-qawlka lagu fara galinayo, waxaanu u aragnaa fal anshax daro ah oo amni burburin ah”

Guddoomiye ku xigeenka SOLJA, waxa uu cod dheer ku sheegay inaan saxaafadda Somaliland wakhtigan haysan amni sugan “Waxaanu caddaynaynaa in maanta (Shalay) laga bilaabo aanay Saxaafadda Somaliland haysan ammaan sugan iyo Xoriyatul-qawl” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi looga daro, waxay kalifaysaa in Hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiintu is-difaacaan oo ay gabbood samaystaan, annaga ayay nagu khasbadan tahay, iyagay ku khasban tahay, haddaan Xukumaddu si degdeg ah uga qaadin Talaabo (Arrimaha dhacaya)”

Xoghayaha guud ee ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax isna halkaasi ka hadlay ayaa si gaar ah uga hadlay xayiraadda lagu soo rogay Wargeyska Hubaal “Madaxweyne, dimuqraadiyaddii iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland gurigaagaad ku aastay, 21-kaa sano Xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir Rayaale may dhicin dacwad aan la qaadin oo Maxakamad iyo Xeer ilaalini Xayiraad u soo qorto, meesha la isku haysto ayaa Xayiraadda loo qoraa. Waxay ahayd in Boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan Maxakamad u furtaan oo marka ay dambi ku hesho Xayiraad saarto” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqantaa dastuurka aad Madaxweynaha ku tahay. Waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee Xoriyadda Hadalka”

 

Comments are closed.