Furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiilada Oo Si Kedis Ah Dib Loo Dhigay Iyo Khlaafkii Shirguddoonka Oo Sii Murgay

10
622

Hargeysa(Geeska)-Furitaanka kalfadhigii golaha wakiilada Somaliland oo qorshaysnaa inuu furmo Axadda beri ayaa dib loo dhigay tan iyo maalinta Sabtida ee 21 December.

Ma jiro sabab lagu saleeyay dib u dhiga kalfadhiga golaha wakiilada oo la sheegay in lagu wargeliyay mudanayaasha golaha wakiilada. Hase yeeshe dib u riixista furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada ayaa ku soo beegmaya wakhti ay golaha ka dhex jirto xasaasiyad ka dhalatay isku shaandhayntii uu guddoomiyaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyay guddiyada golaPicture7ha wakiilada oo ay dhinacooda buriyeen labadiisa ku xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf. Wada hadalo la soo warinayay inay muddooyinkan dambe u socdeen Md. Cirro iyo labadiisa ku xigeen ayaa la sheegay inaanay wax midho ah dhalin, ka dib markii uu dhinac waliba ku adkaystay go’aankiisa. Waxaana dib u bilaabmay kala fogaanshihii aragtiyaha guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku xigeen.  Ismari-waagan ka dhex jira guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa la saadaalinayaa inuu sal u yahay dib u dhigista kalfadhiga golaha wakiilada oo haddii uu Axada beri furmi lahaa ay suurtogal tahay in khilaafku faraha ka baxo.

Geesta kale saddexdii caano maal ee u dambeeyay waxa soo baxaya warar sheegaya inay madaxtooyadu mar kale soo celisay dagaal ka dhan ah guddoomiye Cirro oo la sheegayo inuu gaadhsiisanyahay in xilka laga qaado islamarkaana lagu bedelo masuul madaxtooyada u daacad ah. Guddoomiye Cirro ayaa hore u sheegay in go’aanka la doonayo in lagu buriyo go’aankiisa isku shaandhayntu aanu ka imanin meel fog balse uu ka yimid goob ay jaar yihiin. Hadalkaas Cirro oo u muuqda mid diblomaasiyadeed waxa loo maleeyay inuu ula jeedo aqalka Madaxtooyada.

Guddoomiye Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani, ayay madaxtooyadu u aragtaa nin khatar ku ah marka la gaadho doorashada madaxtooyada oo aanay weli kala cadaan inuu Madaxweyne Siilaanyo isa soo sharixi doono iyo in kale.

 

Comments are closed.