“Waxaan Xaal Ka Bixinayaa Hadalkii Suldaan Maxamed”

0
499

Picture6Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay inuu xaal ka bixinayo hadal dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo dhaliil u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in aanay haboonayn in Suldaanku kala jeclaysto Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ee khilaafku ka dhexeeyo.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo u waramay Geeska Afrika ayaa sidoo kale ayaan daro ku tilmaamay in Rag ka mid ah Mujaahidiintii SNM loo xidhay Qaraxyadii Shaanida, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in Raggaas la xidhxidhay ay isku hayb yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Maalin dhawayd waxa aan arkay Suldaan isku sheega Suldaanka Guud ee Somaliland oo cid gaar ah eedaynaya, dhaliilo culusna u soo jeedinaya, waxaana inta badan Suldaanka la gudboon oo uu leeyahay Gudoon, ee ma leh Go’aan, mana qurux badna in Suldaan Maxamed Cabdiqaadir haddii uu sheeganayo Suldaanka Guud ee Somaliland inuu cid gaar ah taageero cid gaar ahna ka soo horjeesto, hadalkaas iyo eedayntaas ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Xaal iyo Raaligelin ayaan ka bixinayaa, waxaana leeyahay halaga raali ahaado, aniga ayaa  Adeerkiiye,Muuse Biixina hadalkaas xaal ayaan ka siinaya”.

Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisi sii wada ayaa yidhi “Qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM, gaar ahaan Guutadii Sayid Cumar, oo hadda ah Rag waaweyn oo Umadkoodii ay yihiin Qaan-gaadh, ayaa ilaa 30-Mujaahid la xidhay, iyada oo loo xidhay Qaraxyadii Shaanida, waxaana ayaan daro ah in Rag dhan oo Muuse Biixi ay isku reer yihiin loo xidho Qarax Shaani, waxaana hubaa iska daa Shaaniye in haddii ay isku dayaan inay wax kale sameeyaan inay sameeyaan, aniga oo og inay yihiin Rag aan u qalmin in lagu shanbadeeyo Shaani iyo wax la mid ah, waxaana soo jeedin lahaa in Gabood falka laga daayo reerka ay isku haybta yihiin Muuse Biixi, waxaana wax aad loogu qoslo oo aad loola yaabo ah in Sawirka Muuse Biixi dadka lagu xidh-xidho, lagu eedayo Qarax Shaanida, sidii Dawladdii Faqashta, oo marka cid gaar ah ama Xaafad ah gaar ah loo dan leeyahay wax qarxin jirtay, waxa aynu ogeyn in markii Xukuumaddii hore UDUB dhawr jeer wax la yar qarxiyey, taas oo Xisbiga Kulmiye-na ku eedayn jirnay, balse markii dambe waxa si toos ah loo qarxiyey Magaalada Hargeysa, markaas waxa aan odhan lahaa Ciyaarta ha la joojiyo oo cidii wada Qarxin Shaanida ha ahaato Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ama ha ahaate cid kale, haddii kale waxa inagu dhici doonta waxa ka weyn, oo laga qoomameeyo”.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa dhawaan dhacday oo aan aad ugu qoslay in Ciidamada RRU ee Habeenkii Gurayaha u daata inay Guri u daateen, kadibna ay waayeen  Ninkii Guriga lahaa, dabadeedna ay u hanjabeen Dumarkii iyo Caruurtii, iyaga oo ku yidhi mee Ninkii?, taas oo ay u sheegeen in Ninkii uu dhintay Lix Bilood ka hor, markaas waa in wax walba laga fiirsada oo la iska ilaaliya ficilada xun xun”.