Shacabka Somaliland Oo U Dheg Taagaya Go’aanka Ergada Guurtidu Ka Soo Saari Doonto Khilaafka KULMIYE

0
514

Picture7Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya go’aanka ay ergada golaha guurtidu ka soo saari doonaan khilaafka xisbiga KULMIYE oo ay dhexdhexaadin ka galeen, iyagoo laba kulan la yeeshay labada dhinac oo ay afkaarahooda ku dhagaysteen. Ergada Guurtidu waxa ay Salaasadii iyo Isniintii la kulmeen labada garab oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi, waxaana sida ay wararku sheegayaan ay labada dhinac ergada guurtida u kala gudbiyeen laba mawqif oo aad u kala fog, waxaanu dhinac waliba dhinaca kale ku eedaynayaa inuu masuul ka yahay muranka iyo khilaafka istaadhmay. Labada garab mid waliba wuxuu guurtida u akhriyay qodobo sharci oo uu xisbigu dhigtay oo uu ku doodayo inuu garabka kale jebiyay.

Ergada guurtida ayaan la ogayn inay labada dhinac isa soo horfadhiisin doonaan ka hor go’aankooda iyo inay go’aanka ay gaadheen ku dhawaaqi doonaan. Laakiin shacabka Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya go’aan kasta oo ay ergada golaha guurtidu maalmahan foodda inagu soo haya ka soo saarto khilaafkan iyo sida ay labada dhinac ugu kala qancaan.

Khilaafka xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda inuu saamayn sare yeeshay, iyadoo ay xubno wasiiro ahi xilalkoodii ku waayeen ka dib markii ay la safteen guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ay madaxweynaha warmo siyaasadeed isu afaysteen.