Xaflad Maanta Lagu Furayay Garoonka Xawaadle Oo Dib Loo Dhigay

0
502

Picture5Hargeysa(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in 10 maalmood dib loo dhigay xafladii furitaanka Garoonka kubadda Cagta ee Xawaadle oo la filayay in maanta si rasmi ah loo furo. Garoonka ayaa lagu sameeyay dib u dhis balaadhan, waxaana maanta loo samaynayay xafladii furitaanka oo dad badan lagu casuumay.

Qoraal kooban oo uu maayarka Hargeysa shalay soo saaray, wuxuu ku sheegay in sababta dib u dhigistu ay la xidhiidho hawlo shaqo oo ku soo beegmay. Qoraalkaas Maayarku soo saaray wuxuu u qornaa sidan, “Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko)
wuxu ku wargelinayaa shacabka Hargeysa iyo dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonka Xawaadle oo maalinta  Khamiista ku beegneyd (5/june/2015) in  muddo toban cisho ah dib loo dhigay, ka dib hawlo shaqo oo ku soo beegmay, sidaa darteed waxa uu Maayarku dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonkaasi iyo dadkii kalaba  ka cudur daaranayaa inay raali ka noqdaan dib u dhaca ku yimid arrimo shaqo awgeed”