“Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Somaliland Inay Qabyaalada Ka Xoroobaan”

0
533

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha ururka Horumarinta iyo Cilmi baadhista Somaliland ee SODRA Axmed Maxamed Shaqalle ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka hor tagaan Qabyaalada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta wadanka. Guddoomiyaha Ururka SODRA oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay shir beeleed dhalinyaro sheegtay inay Cadaadley ku qabanayaan, isaga oo sheegay inaanay haboonayn inay dhalinyaradu dalka dib u celiyaan labaatan sano, isaga oo  ugu horeyn ka hadlaya wax qabadka Ururka SODRA ayaa  yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba qodob oo kala ah wax qabadka Ururka aan guddoomiyaha ka ahay ee SODRA afartii sano ee uu jiray iyo iska xoraynta dhalinyarada ee dhibaatooyinka qaar haysta iyaga oo xaga wanaagsan ka eegaya oo ay ka mid yihiin qabyaalada, balwadaha iyo tahriibku. Wax qabadka ururka haddii aan ku horeeyo ururka SODRA waxa uu u taagan yahay horumarinta iyo cilmi baadhista lagu samaynayo caqabadaha qaar haysta bulshada Somaliland, sida magaciisa ka muuqata waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo waaweyn, waxaanay waaxda koowaad tahay horumarin iyo waaxda labaad oo ah cilmi baadhis, waxaanu ku dedaalaa horumarinta bulshadiisa qaybaheeda kala duwan, isaga oo isku daya wixii horumara sida inuu u keeno fursado ka duwan fursadihii hore ee ay bulshadu heli jirtay ta ugu weyn ee aanu ku guulaysanay marka aanu xaga horumarka ka shaqaynaynay waxa weeyaan sanadkii 2012-kii bishii sagaalaad ayaa waxa aanu keenay fikir ah fursad siinta ardeyda qaar jaamacadaha galahaysa laga taageerayo dhinaca waxbarashada, isaga oo kaashanaya qurbojooga Somaliland ee qaaradaha Ameerika iyo Yurub, iyada oo aan uga mahad naqayo sida fiican ee ay uga qayb qaataan iyo jaamacadaha wadanka ku yaala gaar ahaan Hargeysa oo iska kaashaday in ardey dhan laba boqol iyo todoba ardey ka bixiyaan Fiiga boqolkiiba afartan, taasi oo dhiirigalinaysa wiilkii ama gabadhii dhalinyarada ahaa ee aanay waalidkoodu awoodayn inay Jaamacadaha galaan”. Guddoomiyaha SODRA oo sharaxaya sababta ay u aas aaseen ururka ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada aanu ururka u aas aasnay waxa ay ahayd aanu dhalinyarada tusno in ururku u aas aasan yahay horumarinta Somaliland kana midho dhalinayo taasi oo aanu ku boorinayno inay ururada kale ee ujeedadii loo aas aasay ka baydhay ay ku soo noqdaan ujeedada ay u aas aasan yihiin, isla markaana ururada bulshada iyo horumarinta dalka ka shaqeeyaa ay shaqayn karaan iyaga oo aan Hay’ad shaqadooda u curyaamin”. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waddan kasta waxa laga eegaa sida uu horumarkiiisu yahay kolba dhalinyarada dalku halka ay taagan tahay, maanta waan ku faanayaa in dhalinyarada Somaliland horumar balaadhan sameeyeen, waxaan u mahad naqayaa xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaan ku faraxsanahay is bedelkii aanu hormuudka u ahayn inaanu ka faa’iidaysanay, Nabiguna (NNKH), xadiis waxa uu ku yidhi “Qofka aan dadka u mahad naqina ILAAHEY-na (SW), uma mahad naqo, waxa aan ku faraxsanahay in aan ahay dhalinyarta ka faa’iidaysatay fursada ay siisay xukuumaddu dhalinyarada”. Guddoomiyaha SODRA, Axmed Maxamed Shaqalle oo dhalinyaradda Somaliland dar daaran siinaya ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyarada Somaliland waxa aan jecelahay in aan dar daaran kooban siiyo sida aan naftayda ula jecelahay horumarka ayaan naftiina ula jecelahay horumarka, waxaanan idiin sheegayaa maanta haddii aynu ka xorowno sadex cudur oo aad inoogu badan inaynu la tartami karno dhalinyarada kale ee dunida, maanta sadexda cudur ee aadka inoogu badan haddii aynu nahay dhalinyarada reer Somaliland waxa kow ka ah qabyaalada waana cudurka ugu weyn ee dhalinyarada haysta aniga oo taa qabyaalada dul istaagaya ayuu abwaankii qiimaha badnaa ee Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, waxa uu yidhi Dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay dumiso mooyaane,  waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Somaliland inay qabayaalada ka xoroobaan, waxaanan maalmahan ugu dambeeyey maqalayay dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah oo magaca dhalinayrada Somaliland intay sheegtaan ku baaqayey shir beeleed aadban runtii uga xumahay, waxa is weydiin mudan oo qof kastaa is weydiinayaa dhalinyaradaa ururisay xoolaha ee tidhi waxaanu qabanaynaa  shir dhalinyarada Somaliland ah yaa u dirsaday inay shirka qabtaan anigu waxaan ka mid ahay dhalinyarada Somaliland afkayga kuma hadli karaan laakiin waxa ay ku hadli karaan af ay eeyihiin, markaa dhalinyarada Somaliland iyaga oo cidi u dirsan iyaga oo ogolaansho haysan, iyaga oo aan la ogayn ajanadaha lagaga hadlayo inay magicii dhalinyarta sheegtaan aadbaan uga xumahay, waxaan kula dar daarmayaa inay dariiqa saxda ah ku soo noqdaan oo inaga daaya qabyaalada iyo dib  u noqoshada, inaad wadankiina wax u qabataan waan jecelahay, laakiin wixii aynu ka soo gudubnay labaatan sano inaad dib inoogu celisaan oo shir beeleed baan qabanaynaa tidhaahdaan waa wax aad looga yakh yakhsoodo, waxaan ugu baqayaa nin kasta oo muwaadin ah oo dhalinyaro ah oo qiime iyo wadaniyad leh oo dadkiisa iyo dalkiisa doonaya inuu wax u qabto fadlan ka hor taga cudurka qabyaalada”.