Reer Burco Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Madaxda UCID

0
512

Picture4Burco(Geeska)-Musharaxa Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha xisbiga Md. Faysal Cali Waraabe oo hoggaaminaya Wafti culus oo uu horkacaayay ayaa shalay soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

Waftigan oo ay ka mid ahaayeen Ku Xigeenkiisa Cabdirashiid  Xasan Mataan,Gudoomiye Ku Xigeenka Sedexaad ee Xisbigaasi Muj: Cali Guray iyo masuuliyiin kale ayaa Magaalada Burco waxa ku soo dhaweeyay dadweyne aad u badan kuwaasi oo kaga hortagay duleedka Waqooyi ee Burco isla markaana ku soo wareejiyay wadooyinka Magaalada.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Enj: Faysal Cali Waraabe ,Musharaxa Xisbigaasi ,Jamaal Cali Xuseen , iyo Muj: Cali Guray oo xadhiga ka jaray Xafiisyo ay Burco ka furteen isla markaana dadweynihii soo dhaweeyay la hadlay ayaa   si weyn uga mahadceliyay dadweynaha reer Burco .

Waxaaney sheegeen in ay gobolka u yimaadeen sidii ay u furilahaayeen Xafiisyadooda Burco  isla markaana hawlaha xisbiga u dardargalin-lahaayeen.

Waxaaney oo ay intaasi raaciyeen in ay xisbi’ahaan ka go’antahay in doorashadu dhacdo xiligii loogu talogalay ,waxaaney Xubno ka mid ah Xukuumadda ku eedeeyeen in ay carqaladaynayaan qabsoomida doorashada..

Waftigan Xibiga UCID ee Burco gaadhay ayaa ah kii ugu balaadh-naa ee gobolkaa si yimaada isla markaana waxay ku sugnaan doonaan maalmaha soo socda sida ay sheegeen .