“Waxaan Soo Jeedinayaa In La Tumo Ninka Kufsiga Caadaysta…” Doodda Xeerka Kufsiga

0
504

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dood ka yeeshay Xeerka kufsiga, kaasi oo wax ka beddel iyo Kaabis lagu samaynayo.

Xeerkan oo ka kooban 43 Qodob, ayaa Xildhibaannada Dooddiisa ka qayb-galay soo jeediyeen in wax ka beddel lagu sameeyo qodobbo ku jira, kuwaasi oo ay u arkeen inay u dhib yar yihiin dambiilayaasha Kufsiga geysta.

Xildhibaan Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ka mid ah Xubnaha Dooddooda ka dhiibtay Xeerkan ayaa soo jeediyey “Waxaan soo jeedinayaa in Qofku marka uu waxan (Kufsiga) caadaysto in la sameeyo wax uu ku cabsado oo uu kaga baqo dambiga, markaa waxaan soo jeedinaya in Caadaystaha la tumo (Jeedal lala dhaco). Waxa kale oo jira Nin weyn oo Caqligiisii qaba oo ilmo yar oo laba jir ama saddex jir ah u hunguroonaya, kaasi Caqli miyuu leeyahay, kaana waa in la tumo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sharcigii Maandooriyaha waxa ku jiray ‘Inaan Xabsiga la iibsan karin’, laakiin Xeerkan kufsiga kuma jiro, waxaan leeyahay waa in lagu soo daraa inaan Xabsiga la iibsan Karin..”

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna doodda ka qayb-qaatay ayaa soo jeediyey in wax ka beddel lagu sameeyo qodobbo ku jira Xeerka Kufsiga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in Gabadha la kufsado haddii la bikrad jebiyey la siiyo Magteeda “Xeerka waxa ku qoran haddii gabadh la kufsaday, Ninkii kufsaday waxay ku yeelanaysaa dhiggeeda lagu meheriyey oo kale, haddii la Bikrad jebiyeyna Mag dumar oo dhamaystiran ayay yeelanaysaa. Haddii Nas dhamaystiran loo helo haddii Bikrad jebintu ay Mag dhamaystiran keento, sideeda ayaynu ku qaadanaynaa oo waa Qodob Sharci oo ka tallaabi mayno, haddayse cuslayn uun ahayd, waxaan soo jeedinayaa in laga dhigo Mag dumar oo dhamaystiran Nuskeed ama 25 Halaad, halkay 50-ka ka ahayd..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office