Dawlado Aan Sharciga Caalamiga Ahi Khariiradda Ku Darin, Laakiin Leh Nidaam Xukuumadeed Oo Dhab Ah (4)

0
494

Goob deggen oo badweyn loollanno ah ku dhex jirta

Koonfurta gobalka Qawqaas waxaa ku yaalla dal iskii madaxbannaani ugu dhawaaqay oo lagu magacaabo Nagorno-Karabakh, sida oo kalana loo yaqaanno Jamhuuriyadda Artsakh. Waa dal kale oo la mid ah dalalka tirada badan ee lagu muransan yahay. Waxa uu xuddun u yahay colaad daba dheeraatay oo laba dawladood u dhexeysa. Waqtigan hadda waxa uu khilaaf weyn oo dhulka jamhuuriyaddan la xidhiidhaa u dhexeeyaa dalalka Armeeniya iyo Asarbijaan. Canever ayaa buuggiisa kaga warramaya, “Marka aad Armeeniya joogto waa ay fududahay in  aad u socdaasho magaalada Stepanakert oo ah caasimadda Nagorno-Karabakh. Waa meel aad u xasiloon, waxaa lagu qurxiyey goobo waageer laydi ah oo ubax hareeraha lagaga xidhay, halkaas oo ay dadku iska fadhiistaan kuna qaataan cabitaannadooda” Qoraagu waxa uu sheegay in inkasta oo magaalada lagu qurxiyey goobahan ubaxa leh ee lagu laydhsado, haddana in aanay taas macnaheedu ahayn in ay nabad la isku halleeyaa ka jirto maadaama oo xuduudka dhulka la isku khilaafsan yahay uu kiiloomitirro yar u jiro badhtamaha magaalada caasimadda ah. Mararka qaarkoodna waxaaba dhaca in rasaas la is weydaarsado, oo xiisaddu ay cirka isku shareerto.

Nagorno-Karabakh waxaa ku yaalla tiro kaniisado iyo hoy khalaawe ah oo qurux badan, waxaa ka mid ah hoyga khalaawaha ee Gandzasar. Waxa kale oo ku yaalla buuro qurux badan iyo gobo badan oo aad si nabadgelyo ah u tegi karto.

Wax-qabad aqoonsi la’aan ay ku gaadhay

Canever waxa kale oo uu booqday Taraanistariya (Transdniestria) waxa uu u dhexeeyaa labada dal ee Moldoofa iyo Yukrayn. Sannadkii 1990 kii ayaa ay Taraanistariya ku dhawaaqday in ay tahay dal madax bannaan. Waa hal sano ka hor dhicitaankii Midowgii Soofeyeti. Laakiin inkasta oo ay leedahay lacag u gaar ah iyo xuduud cad oo la yaqaanno, haddana Qaramada Midoobey weli ma’ay aqoonsan.

Dalkan marka aad tegeyso waxa aad uga gudbi kartaa dalka Moldoofa Canever oo buuggiisa kaga warramayaana waxa uu yidhi, “Si aad ugu socdaasho Taraanistariya waa in aad lacagtaada oo dhan u beddesho lacagta ‘Ruble’ ka Taraanistariya” Canever waxa uu caddeeyey in bilowgii hore uu aad uga shakisanaa illaa heerka uu dalkan yahay mid shaqaynaya, laakiin markii uu tegey uu arkay in dhammaan hay’adihii dawladda oo dhami ay si aad u heersarraysa u shaqaynayaan. “Waxa aan isku dayey in aan hubiyo illaa heerka ay hay’aduhu yihiin kuwo si fiican u shaqaynaya, si aan taas u tijaabiyo ayaa aan iibsaday kaadhka boostada, kaddibna waxa aan warqad boosta ugaga diray qoyskayga oo jooga dalkaygii, si aan u garto bal in ay warqaddaasi gaadho. Runtii waa ay gaadhay”

Mar kale Canever isaga oo ka warramaya dalkan waxa uu buuggiisa ‘Uma viagem pelos países que não existem’ ku leeyahay, “Arrinta aad u xiisaha badani waa in aynu ogaanno in dalalkan qaarkood ay dhulkooda si buuxda gacanta ugu wada haystaan”

Madaxbannaani keliyi dhibaatooyinka ma xalliso

Inkasta oo Koonfurta Suudaan ay sannadkii 2011 kii noqotay dawladda ugu cusub ee adduunka laga aqoonsaday, haddana ma muuqato in mid keliya oo ka mid ah dalalka kale ee himilada leh (Iskood madaxbannaanida ugu dhawaaqay) ay dhowaantan heli doonaan dheeraadkaas (Aqoonsiga) ay Koonfurta Suudaan heshay oo kale.

Inkasta oo qoraagan reer Baraasiil ee Guilherme Canever aanu marnaba buuggiisa ku sheegan in uu yahay khabiir ku xeeldheer khilaafaadka xuduudaha, laakiin haddana waxa uu ka warramayaa waayoaragnimadiisa iyo cilmibaadhisaha xooggan ee uu sameeyey intii uu waday qorista buuggan. Waxaa u caddaatay in dhismaha xuduudo iyo dawlado cusubi aanay ahayn arrin loo qaadan karo in ay xal u noqonayso dhibaatooyin iyo colaado goballada ka jira. Waxa uu aaminsanyahay in dalalkan iskood madaxbannaanida u qaatay badankoodu ay ku bilowdeen dad isirro laga tiro badan yahay oo inta ay dhibaatooyin kala kulmeen dawladdii wadaagga ahayd, doonaya in ay madaxbannaanadaan si ay dhibtaas xal ugu helaan.

Laakiin waxaa soo baxday in marka ay gobalkooda dawlad ka dhigaan ay dhacayso in markanna ay iyagu aqlabiyad u noqdaan dad kale oo kula nool gobalkooda ay goosteen, waxaana markaba soo baxaysa isla dhibtii hore ee la xidhiidhay kala tiro badnaanta. Waxaa soo if baxaya dadyow laga tiro badan yahay oo u baahan in laga ilaaliyo isla kuwii marka hore tiro yaraanta awgeed dhibtu ku soo gaadhaysay.

Canever waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in khadad iyo xuduudo cusub oo la jeexaa aanay waxba ka tarayn dhibaatada, haddii aan la samayn nidaam dimuqraadiyadeed oo buuxa dadka oo dhanna xuquuqdooda u dammaanad qaadi kara.

Jacayl dhab ah iyo faduulinimo

Canever intii uu dunida mushaaxayey, waxaa uu marti u noqonayey qoysaska goballadaas uu booqday, waxa uu isaga gudbay guryo kala duwan, waxa uu seexday meel kasta oo ay dani ku qabatay, furaash helyaa iyo dhulka dhinaca dhigyaaba. Waxaas oo dhan waxa uu u sameynayey si uu xogogaal ugu noqdo dadka deegaanka ee caadiga ah, iyo in uu faham xeeldheer ka helo aragtidooda, isaga oo arrimahaas ka warramayana waxa uu buuggiisa ku leeyahay, “Intii aan ku guda jiray socdaalka aan ku marayey dalalkan aan la aqoonsan, waxyaabaha sida aadka ah ii yaab geliyey waxaa ka mid ahaa, in la macaamilka iyo dhexgalka dadka deegaanku ay tahay arrin aad u qiimo badan. Ma’aha in ay dalxiisaha u adeegayaan, balse waa in dalxiisuhu ka mid noqonayaba bulshadooda. Guryahooda ayaa ay u furayaan, waxa aanay fursad u siinayaan in uu hawlahooda gaarka ah kala qaybgalo” arrinta kale ee xiisaha leh ee uu buuggiisa ku sheegay waa, “Meelaha aan tegey dalxiiseyaal badani ma yimaaddaan, dadka deggenina waxa ay mararka qaarkood xiisaynayaan in ay ogaadaan sida ay dunida kale iyaga u aragto”