Jaamacadda Hargeysa Oo Beenisay Hadal Uu Sheegay Afhayeenka Xisbiga WADDANI

0
652

Hargeysa (Geeska) – Jaamacadda Hargeysa ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, kaasi oo ahaa in xilligii uu Ardayga ka ahaa Jaamacadda uu ka mid ka mid ahaa Macalimiintiisii ku gefay Beeshiisa.

Afhayeenka WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo Toddobaadkii hore hadal ka jeediyey bandhig lagaga hadlayey dhibaatada Takoorka ayaa Tusaale u soo qaatay in Xilligii uu Jaamacadda Hargeysa dhiganayey uu mid ka mid ah Macalimiintiisa oo u dhigayey Qaanuunku uu Ardayda horteeda ka sheegay hadal uu ku liiday Beesha uu Barkhad ka dhashay.

Hase-ahaatee, Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax oo la hadlay Telefiishanka SAHAN ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Jaamacadda Hargeysa waxay sannad walba siisaa Deeq Waxbarasho weliba ay Dadka kale uga eexataa Reerkaa (Beelaha Gabooye), Barkhad wuxuu ka mid ahaa Ardaydii halkan ka aflaxday ee aanu ku faano, markaa waxay ila tahay in hadallada dhallinyaradooda waxyeelaya ama niyad-jabka ku keenaya kuwa soo socda aad baan uga xumahay inuu Maalintaa jeediyey.”

Maxamuud Xuseen Faarax waxa kale oo uu sheegay “Jaamacaddu waxay leedahay Nidaam sharci oo la raaco, oo Ardaygu inta uu fasalka ku jiro Macalin dhibaato ka soo gaadho, sida hadal uu ku yidhi oo kale, waxaanu leenahay Xeer lagu qaado (lagu xukumo), Macalinkaa waanu ka joojinaa (Shaqada). Markaa Muddadii ay (Barkhadiyo) ku jireen Macalin waxaa odhan karaya oo aanu maqalnay (ma jiro), Waayo? xitaa anshaxa Macalinnimo kuma jirto, umana malaynayo inay xaggayaga ka dhacday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Macalinkii uu yidhi dhaxalka ayuu noo dhigi jiray oo kalmad hayb-sooco ayuu yidhi, arrintaas wax jira ayay noqon wayday, Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen (Xilligaa) oo u badan Garsooreyaal iyo Xeer ilaaliyayaal Dalka Maanta jooga, dhammaantood waxay ii sheegeen Fasalka in aanay arrintaasi ka dhicin..”

Maxamuud wuxuu sheegay haddii ay Macalinkaa uu Barkhad eedeeyay waydiin .lahaayeen waxa ka jira hadalkaasi ayuu sheegay inuu dhul-yaal yahay oo uu xilligan xanuunsanayo.

Sidoo kale, Sharci-yaqaano ay isku fasal ahaayeen Barkhad Jaamac Batuun oo iyaguna la hadlay Telefiishanka ayaa sheegay “Barkhad waxaanu Fasal ahayn 4 Sanadood, waxaanu ahayn 82 Arday, Barkhad oo keliyana muu ahayn ee Rag badan oo Xaafaddooda ah ayaa nagula jiray, Maanaan dhigan jirina Maaddada Qisaasta, sidaasi darteed waxba kama jiraan arrintaa uu Barkhad sheegay.” Ayuu yidhi, Daahir Maxamed Faarax oo ka mid ah Sharci-yaqaannada ay isku Fasalka ahaayeen Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Barkhad Jaamac Batuun.

 

Geeska.net/Hargeisa Office