“Waxaan Soo Jeedinaya In Dadka Dawarsada Lacagta Laga Ilaaliyo Oo Raashin La Siiyo”

0
485

Picture1Hargeysa (Geeska)-Maxamed Abiib Siciid (Waaraad) oo ka mid ah Madaxda iyo Masuuliyiinta Sariflayaasha Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay inay khaati ka taagan yihiin dadka soo galeetiga ah ee ka dawarsada Magaalada, waxaanu tilmaamay inay dadkaas dawarsanayaa ay Lacag barteen, isla markaana lacag badan ka tabceen dadka reer Somaliland.  Maxamed Abiib Siciid (Waaraad) oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Magaalalda Hargeysa, ayaa sheegay inay hirgeliyeen qorshe cusub oo aan Lacag lagu siinayn dadkan dawarsanaya, balse ay Raashin ku siinayaan, waxaanu Bulsho weynta reer Somaliland ugu baaqay inay qorshahan ku dhaqaaqan, waxaanu uu horeyn hadalkiisi  ku bilaabay “Waxa aan ku dhiiraday in dadka Oromada ah ee Lacagta cadaanka ah qaadaya ee Itoobiya tagaya, sidii culaysku inooga yaraan lahaa in qof walba oo reer Somaliland ahi inuu wax  siiyo Cunooyinka uu markaas hayo,oo aan lacag la siin,anigu tusaale ahaan waxa aan siiyey Timir, wey igu xanaaqeen oo waxa ay igu yidhaahdeen adiga oo lacagtaas kaashka ah haya ayaad Timir na siisay, marka aad Itoobiya joogto shilin lacag ah ka heli maysid, oo aad ayey u adag tahay inaad Lacag ka hesho, waxa aan hadda diyaariyey  Mushar la yidhaahdo tagi waayey waxa uu ku tago ayaa la tusa, dawladdu dadkan dhawr jeer ayey saartay, oo ay baxeen, laakiin maalmo kadib dib ayey u soo noqdeen, markaas dawladdu ma diri karto, ee dadka ayaa diri kara dadkan darawsanaya”. Maxamed Abiib Siciid (Waaraad), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tusaale ahaan Ninka dawarsnaya ee curiyaanka ah, waa in la yidhaahda waa Nin curiyaan ah oo aan kici karin ee Xab-xab ha la siiyo, lacag marka uu waayana isaga ayaa iskii u tagaya reerkiisi, nimankani waa niman beero leh, Qaadka ayaa ka soo go’a,Baradhada ayaa ka soo go’da, Dhul ayey leeyihiin, haddana dalkeena ayey u soo shaqo tageen, waxaana Maalin dhawayd dhacday in Nin dawarsada aan u sarifnay 38-milyan, waxa aanu uga dhignay Lacagta Itoobiya ee Birta, Degmooyinka Koodbuur iyo 26-june, ayey dadkan dawarsada ee Oromada ahi ugu badan yihiin, markaas haddii aanu nahay Sariflayaasha, ayaa waxa aanu khaati ka joognaa dadkan dawarsanaya, waxaana aanu hirgelinaya imika in aanu halkii lacagta ka sin jirnay aanu Timir ka siino, si aynu dhaqaalaheena u ilaashano, waxaana soo jeedinaya in dadka dawarsada lacagta laga ilaaliyo oo Raashin la siiyo”.