Madaxtooyada Oo Beenisay In La Isku Shaandhaynayo Golaha Wasiirada

0
577

xdhulowHargeysa(Geeska):-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in warar muddooyinkii danbe warbaahintu ay si aada u qoraysay ku waasi oo sheegayey in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu isku shaandhayn balaadhan ku samynaayo laamaha kala duwan ee Xukuumadiisa.

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul oo shalay warbaahitna ugu waramaayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo uu wakhti xaadirkan isku shaandhayn ku samaynaayo Laamaha Kala Duwan ee Xukuumadiisa,waxaana uu carabka ku dhuftay in kooxda kaaliyaasha u ah Madaxweyne Siilaanyo ee haya xilalka kala duwan ee laamaha Dawladu ay yihiin kuwo Madaxweynaha ku garab gala hawsha uu qaranka u hayo,isla mar ahaantaan uu ku kal soon yahay.

"Waxaan doonayaa in aan yar iftiimiyo amba aan bayaamiyo arrin dhawaanahanba ku soo noqnoqonaysay warbaahinta kala duwan gaar ahaana Mareegaha Internet-ka oo Afartii bilood ama Saddexdii bilood ee ugu danbeeyeyba maalin walba aad ku arkayso Mareegaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Isku shaandhayn samaynaaya,Wasiir helbaa halkaasi lagaynayaa oo halkaasi laga badalayaa,Wasiir helbaa la eryayaa.Horta marka u horaysa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xaq waxaa uu u leeyahay cida uu Xilka ka qaadayo,Cida uu Xilka u dhiibayo waa arrin sharci oo sharciga ayaa siiyey,waana awood uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu leeyahay taasi.Hase ahaatee waxaan halkan maanta ka cadaynayaa aniga oo ku hadlaaya afka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Wakhtigan in aanu jirin amba diyaar aanu u ahayn Cid la eryayo,iyo Golaha Wasiirada oo wax isku shaandhayn ah oo lagu samaynaya in aanu jirin”Ayuu yidhi Md:Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku daray.“Sidaa darteed waxaa laga yaaba in wararkaasi ay dad fara badan ay wal wel ku abuuraan,waxaa laga yaaba in wararkaasi dad fara badan oo ujeedo fara badan ka lahi in ay jiraan Kooxdan uu Madaxweynuhu u Xushay in ay la shaqeeyaan waa Koox isku filan Waa Koox Madaxweynaha garab ku siinaya hawsha uu qabanayo ee uu qaranka u hayo"Ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul.