Waxaan Kugu Tilmaamaa Torontoo Ah Jilaal (Maanso)

1
904

54344Marka aad dibada joogto sida Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaad arkaysaa wixii aynu gabdhaha ku amaani jirtney oo wax xun loo yaqaano. Waxaa ka mid ah quruxda  gabdhaha waa iney  aad u dhuubnaataa inagana  waa iney hilib cudoon lahaataa, timaha  dheer subax kasta lama maydhi karo  wakhti looma hayo  hagaajintooda, kawa gaaban baa fiican, deganida talaabada wahsi baa loo yaqaan, xaadda gacmaha iyo kubabku waa ceeb.

Dayaxa shan iyo toban joogaa waa habeen xun oo qori is mariska bahalka noqdaa soo baxa, roobku waa karaahiyo, oo waxa hal hays ah, “Gabadhan ayaan ku dhaafayaa  ayaamaha roobka” Halka aynu  ka nidhaahno ayaamaha jiilaalkaan ku  dhaafayaa,  Gu’  haddaad maqashana waa xili xasaasiyad iyo sanboor  dadku wada qabo  oo la neceb yahay, beerleyda mooyaane,  halka uu innaga ka yahay xilliga nolosha iyo cusbooneysiinta dhulka. Sida jidhka gabdhuhu u qurxiyaan  waa si cusub oo qalab badan la iska lulo dhegaha iyo sanka ama khadaab iyo khadka  la isku sawirayo,  ciyaartu waa nooc cusub.

Cirka  bilaa daruurta ah ayaa fiican ,Markaa su’aashu waa , sidee loo amaanaa gabadh waxaad qurux u taqaan foolxumo u taqaan, waxaad fool xumo u taqaanana  qurux u taqaanna?

 

Tooxyarida dhuubnaan

Dhexdaad taako moodiyo

Tagoogaha ku miiqani

Taws caashaq igu ride

 

Timahaaga gaabane

Inba dhinac tilmaantee

Taalooga loo jaray

Wadnahay  I taabtaan

Waxaan kugu tilmaamaa

Torontoo  ah jiilaal

Uu barafku tuulmoo

Dadku tegey garoomada

Tabaaganin ku dheeleen

 

Tabta aad u socotee

Tuluxda isu yeeshiyo

Dheerayn talaabada

Tog tog taadu wacanaa

 

Tobankaa wasaaqee

Dhegahaaga taxan iyo

Taa tuuga kugu yaal  (Tattoo)

Hablaa tahan ku dhaaftee

 

Fanka loo tawaawacay

Dhiijee tilmaamani  ( DJ)

Markuu tumayo heesaha

Tabta aad u boodee

Taangada  u dheeshiyo (Tango)

Taab dhaaniskaagaa

Taaj lagugu siiyaa

 

Waxaan kugu tilmaamaa

Torontoo  ah jiilaal

Uu barafku tuulmoo

Dadku tegey garoomada

Tabaaganin ku dheeleen.

Comments are closed.