Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Beeniyey In Xildhibaanadii Ciise Ka Noqdeen Iscasilaadii

9
655

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa beeniyey in xildhibaanadii beesha Ciise ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac ay ka noqdeen iscasilaadii ay dhawaan ku dhawaaqeen.

Cabdi Siciid Faahiye, waxa uu sheegay in go’aanka ay xildhibaanadu isku casileen ahaa go’aan ka soo baxay beesha Ciise isla-markaana yahay go’aan aan qof kali ahi ka noqon karayo.

Cabdi Siciid, oo shalay saxaafada kula hadlayay Hargeysa, ayaa sidoo kale ka digay in masuuliyiinta dawladda ee xukuumaddu u xil-saartay arintaasi ay u hanjabaado jeediyaan, iyadda oo wada-hadalo u socdaan xukuumadda iyo beesha Ciise.

Wasiirkii hore ee ciyaaraha oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Go’aanka ay isku casileen xildhibaanadu go’aan beeleed ayuu ahaa, waxaana badali karaya oo ka noqon karaysa beesha, go’aan qof ka noqon karayana maaha”

Cabdi Siciid Faahiye, waxa uu sheegay in aanay waxba iska badalin go’aankii ay isku casileen xildhibaanada beesha Ciise “Go’aankaasina waa sidii uun, marka wada-hadalkaasi dhamaado ayuu arinkaasina (Iscasilaada) dhammaanayaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Markaa in la midi roogteeyo oo dadka loo hanjabo oo la yidhaahdo haddii sidaa aad yeeli waydaan waxaas ayaanu idinku samayn iyo waala idin xidhayaa maaha”

Comments are closed.