Madaxweyne-xigeenka Oo Shalay Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Kenya

0
558

1111111Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa bogaadiyay Madaxweynaha cusub ee shalay loo dhaariyay dalka Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 Madaxweyne  ku Xigeenku waxa uu Dhambaalkiisa ugu hambalyeeyay Mudane Uhuru Kenyatta xilka Madaxnimo ee ay u doorteen shacbiga  reer Kenya, waxaana uu tilmaamay in labada Shacbi ee Somaliland iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Mudane Saylici waxa kale oo uu dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta  uu ku faah-faahiyay in Dalka Kenya ay ku nool yihiin Jaaliyad balaadhan oo asalkoodu uu  ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalana ay Dalka Somaliland ku nool yihiin Jaaliyad reer Kenya ah oo ka ganacsata kuna dhaqani dalkan Somaliland.

 Madaxweyne ku Xi

geenka  ahna  ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo dhambaalka uu diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xusay in uu rajaynayo  in hogaaminta cusub ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay kor usii qaadi doonto sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada Umadood iyo labada Dawladood ee Somaliland iyo Kenya.