“Waxaan Ku Celinayaa In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Loo Furo Dastuurka”Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye

0
497

Hargeysa (Geeska)- Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye ayaa mar kale ku celiyay in la furo dastuurka si loo furo kootada oo sida uu sheegay u xidhan asxaabta qaranka.

 Cabdiqaadir jirde oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada hargaysa, ayaa sidoo kale sheegay in hawshii iyo baaqyadii ay wadeen ay u qushuuceen guurtida iyo baalamaanka Somaliland.

cabdiqaadir-cali-obsiiye-310x289

“Sharkeenan jaraa’id  wuxuu ku saabsan yahay sidaad ogtihiin hawshii ololihii iyo baaqyadii aanu u kala diraynay xukuumadda siiba Madaxweynaha iyo weliba Goloyaasha Baarlamaanka, sida Guurtida iyo Baarlamankaba iyo shacabkaba. Markaa wuxuu ku saabsan yahay dareen celin, dareen celintii ka soo noqotay dadka shacabka ah iyo xukuumadda sidaynu ka maqlaynay hadaladeedii sida Madaxweynaha oo kale, Baarlamanka oo kale iyo Guurtida oo kal. Runtii baarlamanka qaar baan iska aragnay fikirkeenii aad ugu qushuucay, dareen wanaagsana ka bixiyay guurtida oo kale sidaa si leeg baarlamanka sidaa si leeg Madaxweynaha uun baanaan weli iska arkin. Isagana sida lagaga waramayo inuu u qushuucay ololoheenii hadalkeenii iyo in la furo dastoorka. Waxaanan mar labaad ku celinayaa wakhtigii wuu iska dhaw yahay, waktigii doorashadu waa dhaw yahay waxay soomaalidu ku maah maahdaa wakhtibaa jira kadaf kadafna loo ordo kada loobna wax lagu cuno, waxa kale oo ay Soomaalidu tidhaahdaa goor gaaban hadalkeedna gaaban”.

Siyaasi obsiiye waxa uu sheegay in wakhtigii daarashadu gabaabsi yahay isla markaana dadkuna haraad u qabaan inay helaan Murrashax madaxbanaan “Waxaan uga socdaa wakhtigiibaa inagu gabaabsi ah bilaa inooga hadhay doorashooyikii dadkiina waxay u haraadan yihiin oo ay u baahan yihiin in la heli murrashax madaxbanaan waayo sidaynu ognahay saddexdii Xisbi waxay noqdeen kooto oo ma ogola had iyo goor in Murrashax madaxbanaani tartamo iyaga gudahoodana in laga tartamo oo lala tartamo nimanka markaa Xisbiyada ku magacaabani iyaguna ma ogola. Sidaa darteed waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ku celinayaa in sida ugu dhakhsaha badan leh in loo furo dastuurka si loo helo Murrashax madax banaan waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa Baahi niman lahayn iyo bahal bay ag joogtaa dadkii dalkan anfici lahaa dadkan wax u qaban lahaa hormar, barwaaqo, cadaalad iyo sinaan gaadhsiin lahaa dibaday ka taagan yihiin waxaana loo baahan yahay fursadaa iyada ah wakhti badan baa inaga lumaye inaynu ka faa’iidaysano”.

Waxa uu baarlamaanka, guurtida iyo madaxweyna u soo jeediyay inay si dhakhso ah hawshaa u faro galiyaan oo ficilkeedana la yimaadaan“Waxaan baarlamanka, madaxweynaha iyo guurtidaba aan kula talinayaa inay si dhakhso ah hawshaa u faro galiyaan ficilkeedana ula yimaadaan una dhaqaajiyaan waxaanan tusaale yar idinka siinayaa waxa la yidhaa xilku waa meerto way is bad badelayaan wakhtigiina waa kooban yahay iyamaa idiin fiican markaad xilka ka tagtaan ileen beri waad ka tagaysaan ama geeribaa idinka kaxaynaysa ama gabaw ama wakhtigaa idinka dhamaanaya iyamaa idiin fiican in la idin yidhaahdo war xukunkan yaa inagaga tagay qofkan meeshan la keenay ee Madaxweynaha ka noqday yaa inagaga tagay, haduu noqdo mid inkaar qaba oo la yidhaahdo inkaari ku dhacday kuwii guurtida iyo baarlamanka iyo xukuumadii ayaa inagaga tagtay iyamaa idiin wanaagasn iyo in la idiin duceeyo oo la yidhaahdo kan duca qabaha ah ee dadkii ilaahay u soo diray ee meel wanaagasn gaadhsiiyay ee hamigiisii iyo fikirkiisii wuxuu ku hadlaayay ay run noqdeen yaa ka tagay walaahay guurtidii iyo madaxweynihiibaa ka tagay”.

Waxa kale oo isaga oo hadalkiisa sii wata uu raaciyay “Haday dhici waydo oo loo hogaansami waayo waxay I waydiiyaan weriyayaashu ama dadka qaarkood maxaad samaynaysaa Waxaan ku idhaahdaa wax kale odhan maayee dee sidii Ordogan uun baan leeyahay dadka soo baxa, hadii la furi waayo ileen kootadan ku jiri maynee dadkan mar hadii aan la rabin koota uun ku jiri maynee u xidhnaan maynee dadkuun baan leenay ha soo baxaay”.