Madal Lagu Soo Bandhigay Saxeexa Aqoonsiga Somaliland Ee Codsiga Hal Milyan Oo Ruux

0
572

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay ka qayb galay madal lagu soo bandhigay saxeex ay in ka badan hal million oo qof ku dalbanayaan aqoonsiga Somaliland.

49

Ururinta saxeexyadan oo tan iyo bishii afaraad ee sanadkan ka socotay dhamaan gobollada ay Somaliland ka kooban tahay, ayay daahfurkeeda ka soo qayb galeen madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo hogaanka xisbiyada siyaasada.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ka hadlaya dareenka saxeexa muwaadiniintan wuxuu yidhi, mahadcelin ku socota wasaaradda khaarajiga ka dib uu hadalkiisa ku bilaabay “Dareenkan muwaadiniintu wuxuu ka markhaati kacaya rabitaanka runta ah ee Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo uu cadaynayaa, himillada iyo hal adayga ay Ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii'da ay aaminsan-yihiin iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin ama dhagaha laga furaysan karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:- 

1.       Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.

 2.        Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

 3.        Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.

·         Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.

·         French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.

·         Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.

 4.       Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.

5.       Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

6.       Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 7.       Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

 8.       Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.

 9.       Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

 Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini'aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

 Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan:

·         in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.

·         in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan.

Khudbadihii masuuliyiinta kale

Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka mida gudida heer qaran ee ictiraaf raadinta, oo isna Munaasibadaas ka hadlay  ayaa sheegay inay khasab tahay in beesha caalamku ictiraafto Somaliland, waxaanu si xeel dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, wakhtigii ay ku biirtay Somaliya, markii ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda iyo waajibka saaran maanta, waxaanu ku taliyey in garbaha la is qabsado oo laga wada shaqeeyo sidii Somaliland horumar u gaadhi lahayd, waxaanu yidhi “Isku sheegi mayno jidka dheer ee aynu soo marnay, ee dhibta badnaa ee burbar iyo dhimasho intaba lahaa, ee maanta aynu ku helnay dawladnimadeenan quruxda badan, Rag badan baa u shahiiday oo maanta inaga hoseeya Kow waxa ka ahaa Cabdilaahi Siciid Caabi,laba Ismaaciil Dheere oo 1963-kii isaga oo ganacsi ku dhex haysta Xamar Hargeysa soo gaadhay oo lagu eedayey in Madaxda konfureed ee ku sugan Somaliland uu laayo, Subixii baa Maxkamad la saaray Galabtiina waa la toogtay, nin dhalinyaro ah oo bacyac mushtar ah ,waxa ku xigay Dhagax tuurkii ninkii Dugsiga dhexe ku jiray Barre Xaaji Daahir ee Dhagax tuurkii xabad lagu dhuftay, Hooyadii kaligi bay lahayd”.

Danjire Cawil ayaa sidoo kale sheegay in mar walba maanka lagu hayo oo la xasuusnado wixii Somaliland ku dhacay, waxaanu tilmaamay in aad loogu deg degay in Somaliya lala midoobo, iyada oo aan laga fiirsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in heerka xamaasada iyo rabitaanka shacbiga ee Somaliland ay maanta iyo maalintii lala soo noqday madaxbanaanida oo laga joogo rubuc qarni ay isku mid tahay, iyaguna Garsoor ahaan ay qeyb ka yihiin ictiraaf raadinta, maadaama ictiraafku yahay wax la wada leeyahay.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe , oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku taliyey in qadiyada Somaliland meel looga soo wada jeesto, oo canbaaraynta iyo dhaliisha gudaha la iska daayo, oo danta qaranka loo midoobo.

Eng Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Odaygana aynu sagootino oo Doorasho wanaagsan oo nabada ha inoo sameeyo,oo aynu nidhaahno waa Nelson Mandeelahayagii, wax wanaagsan ha ka soo baxo ayaanu leenahay”

 Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka xog warantay taariikhdii iyo halgankii ay Somaliland soo martay, waxaanay tilmaamtay in dadaal iyo iskaashi halkaas lagu soo gaadhay, waxayna balan qaaday madaama ay tahay Guddoomiyaha Ictiraaf raadinta Somaliland ee Yurub inay dadaalayso intii karaankeeda, waxayna ku talisay in Somaliland loo wada dadaalo, oo lagaga dhabeeyo qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.

Prof: Maxamed Siciid Gees, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Guuritda  Xildhibaan Axmed Daahir, Xoghayaha Waddani   Maxamed Cabdilaahi (Uurcade)  Axmed Xaddi Sidci, Guddoomiyaha Haweenka heer qaran ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeyee iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta  Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo dhamaantood halkaa ka hadlay ayaa Shacabka Somaliland ku bogaadiyey talabadan ay qaadeen, waxayna  Shacabka ku guubaabiyeen shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba inay dadaal muujiyaan, waxayna ku baaqeen in la iska kaashado sidii qadiyada Somaliland Caalamka looga dhaadhicin lahaa, si Aqoonsi Caalamiya loo helo.