Waxaada Socdaalka Ee Wajaale Oo Dib U Celisay Tahriibayaal Itoobiyan Ah

0
700

hronTog-Wajaale(Geeska)-Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ayaa shalay dib u celisay afartan tahriibayaal Itoobiyaan ah oo saddex iyo labaatan kamid ahi ahaayeen kooxaha ku dawarsada nabarada iyo naafada Jidhkooda, iyo tahriibayaasha Somaliland uga gudbya dhinaca Boosaaso oo lagu qabtey Gaadiid ay saarnaayeen oo u koontarabaaniyay Dhinaca Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee Saldhigiisu yahay Magaalada Tog-Wajaale C/rashiid Axmed Xasan oo uga Waramay tahriibayaashan warbaahinta ayaa sheegay, in ay mudooyinkii u dambeeyay joogto noqdeen tahriibayaasha ay qabtaan Magaala Xuduudeda Tog-Wajaale kuwaas oo inta badan ku gudba nidaam lagu koontarabaaniyo Gaadidka isaga goosha Tog-Wajaale iyo Hargeysa.

Waxaanu xusey in ay maanta qabqabteen afartan tahriibayaal ah oo la koontarabaaniyay kuwaas oo sadex iyo labaatan  kamid ahi ahaayeen dadka cuyaamiiinta ah ee ku dawarsada nabarada jidhkooda kuyaala iyo naafada ay ka qabaan laxaadkooda isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi. "Dhibaato badan ayaa naga haysata tahriibayaasha maalin walba waanu qabanaa maanta oo u dambeysay waxaanu soo qabqabanay afartan Tahriibayaal ah oo sadex iyo labaatan kamid ahi ahaayeen kuwa naafada ah ee ku dawarsada nabarada jidhkooda  iyo naafada laxaadkooda iyo kuwa kale oo ahaa tahriibayaasha u gudbaya boosaaso oo ay doonyo ka raacaan haseyeeshee, kusii negaada Somaliland, waxaana inta badan koonatrabaan ahaan ku qaada oo halkan ka gudbiya dirawaliinta Gaadiidleyda kuwaas oo aanu qaarkood hor geynaya dhawaan Maxakamada Gobolka islamarkaana, aanu uga digeyno in a taabadaasi ku kacaan balse cidii lagu qabto ee dambe ha u badanaadeen Gaadiidleyda Gaadiidka
Rakaabka qaada ee isaga Goosha Hargeysa iyo Tog-Wajaale waxaananu ku qaadi doonaa xeerka Socdaalka ee xeer72 cid kasta oo lagu Qabto"Ayuu yidhi C/rashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Waxa kale o Taliyihu intaa ku darey hadalkiisa" ma,aha tahriibayaashani kuwa maalin maalin la arko laakiin socodkoodu waa joogto oo maalin walba labaatan iyo dheraad ayaanu celinaa, laba maalmood ka hor lixdan iyo dheeraad ayay ahaayeen kuwii aanu qabqabaney ee celinay, waanu ka digeynaa inaan la cafin doonin muwaadin kasta oo lagu qabto isagoo, koontarabaaninaya tahriibayaasha itoobiyaanka ah talaabo ayaanu ka qaadi doonaa, Waxaananu u mahad celinayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Tog-Wajaale iyo Ciidankiisa oo si howlkarnimo leh noola shaqeeya habeen iyo maalina soo qabqabta heegana ugu jira tahriibayaasha, waxaanan hadalkeyga kusoo koobayaa waa in muwaadiniinta reer Somaliland nagala shaqeeyaan la dagaalanka tahriibayaasha"Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xasan.
Ma aha markii u horeysay ee laanta Socdaalka Tog-Wajaale ay qabqabato tahriibayaal u dhashey dalka Itoobiya gaar ahaan kuwa naafada iyo nabarada jidhkooda kaga dawarsada dhinaca dalka Itoobiyaa.