Maxamed Xaashi Oo Kayd Maaliyadeed Oo Mug Leh Ku Wareejiyey Wasiir Samaale

0
754

samaaleHargeysa(Geeska)-Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada maaliyadda, Weli Daud Cigaal, ayaa xil wareejintii shalay ee wasiirkii maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi uu ku wareejiyay wasiirka cusub Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay wasiirka maaliyadda iyo weliba waxyaabaha uu wareejinayo. Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada waxaan leeyahay waad ka nasiib badan tahay wasiirkii hore waayo  Maxamed Xaashi waxa uu kal hore la wareegay qasnada dawlada oo madhan iyo dayn lagu lahaa dawlada.

Waxa ugu horeeya ee wasiirka lagu wareejinayaa waa shaqaalaha, shaqaalaha lagugu wareejinayaa waxay u qayb samaan laba qaybood.

Shaqaalaha  joogtada ah ee wasaarada maaliyada kuwaas oo tiradoodu tahay 586 qof darajadooduna ay kala tahay 78 heerkoodu yahay A, 286 Heerkoodu yahay B,122 Heerkoodu yahay C iyo 118 Heerkoodu yahay D.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shaqaale ku meel gaadh ah kuwaaas oo ka kooban.

12 shaqaale ah kuwaas oo hay?adda UNDP ay wasaarada maaliyada  u qaabishay  mudo laga joogo sadex sanadood kuwaas oo heshiiskoodu dhamaaday  isla markaana lala galay mid cusub.

oo shaqaalahaa la shaqeeya 12 kale kuwaas oo wasaarada maaliyada  ay u qaaday inay hay?adda UNDP la hawl galaan.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa 24 shaqaale kuwas oo  ah ardaydii jaamacadaha ka soo baxday iyada oo hay?adda IOM ay wasaarada koontaraag ugu samaysay, kuwaas oo 18 ka mida shaqaalahaa ay hay?addu lacagtood bixiso 6-da kalana ay wasaarada maaliyadu lacagtooda bixiso.

Waxa kale oo wasiir lagu wareejinayaa 18 ardayda jaamacadaha ah kuwaas oo ka hayl gala cashuuraha bariga lacagtoodana ay bixiso wasaaraa maaliyadu.

Sidoo kale waxa lagugu wareejinayaa 61 shaqaale kuwaas oo ka hawl gala kastamada,cashuuraha bariga iyo xisaabaadka  shaqaalahaas oo ah qaar ku meel gaadh ah.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa khubaro wasaarada kostantan u ah  kuwaas oo tiradoodu tahay 5 isla markaana xafiis gaara leh, waxa kale oo weheliya hal khabiir dhinaca ICT-ga uga hawl gala wasaarada maaliyadda.

Dhinaca dhismayaasha waxa lagugu wareejinayaa 38 dhisme kuwaas oo ka dhisan gobolada dalka, iyada  oo 11 ka mida ay hay?ada US AID ay dhismahooda noo soo marisay hay?adda IOM isla markaana  ay dhismahoodu socdaan.

Gaadiidka lagugu wareejinayaa waa 51 gaadhi kuwaas oo 45 ka  midi ay shaqaynayaan 6-da kalana ay fadhiyaan.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa heshiis ay wasaarada maaliyadu la gashay hay?adda  IOM  kaas oo ah qalab soft ware ah.

Kale oo wasiir lagugu wareejinayaa heerka qasnadda dalwada iyo waxa ku jira, xisaabta waxaanu xidhnay 17-kii bisha wasaarada maaliyadu waxay maamushaa afar xisaabood laba iyadaa gaar u leh midna lacagta somaliland-ta ah ayaa ku dhacda ka kalana lacagta adag ayaa ku dhacda.

Xisaabta ay lacagta somaliladn ku dhacdo waxa la yidhaa 488 waxaaan ku  jira 22,316,448825 shilin

Xisaabta numberkeedu  yahay 11 waxa ku jira 620,21.

Waxa kale oo jira laba xisaabood oo kale  kuwaas oo dawladaha hoose leeyihiin isla markaana ah lacag kab ah kuwaasna waxa ku jira 1,921804511.

Waxa kale oo jira lacag loo qaado dhinaca gobolada bari isla markaan ah boqolkiiba laba  lacagtaas qadarkeedu waxa uu yahay 5,4385828.

Waxa kale oo wasiir lagugu wareejinayaa oo aan xisaabta hada lagu shubin lacag  43 milyan ah taas oo hada baanka taala isla markaana ay wasaarada maaliyadu leedahay .

Intaas marka laysku  daro waxa lagugu wareejinayaaa lacag qadarkeedu dhan yahay labiyo toban milyan oo doolar(12000000$).

Dhinaca daynta  ma jirto wax dayn ah oo wasiirku kugu wareejinayo taas oo ka baxsan miisaaniyadda sanadka 2012, wixii ka soo hadhay sanadkii horena waxa lagu cadeeyey miisaaniyada sanadkan, laakiin waxa jira foojaro waaxda maamulka yaala kuwaas oo wasiirku jiritaankooda ku qanci waayey.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa tigidhadii istamka ahaa kuwaas oo markii ugu horaysay wasaarada maaliyadu soo samaysay kuwaas oo cadadkoodu yahay sadex milyan laakin heshiiskii  shirkada lala galay waxay ahayd inay keento 2,975 xabo, dakhliga loogu tala galay inay soo xareeyaana waa labiyo toban bilyan kuwaas oo iyaguna yaala isla markaana daabacan.

waxa kale oo  lagugu wareejinayaa shuruucdii ay wasaaradu lahayd, kaas oo uu ugu horeeyo sharcigii cashuurta toosan,sharcigii wado marista,sharcigii cashuurta gadista,sharcigii istamka,sharcigiii sale text-ka, sharcigii kastamyada,sharcigii bakhaarada,sharcigii xisaabaadka,sharcigii xisaab maaliyadeedka,sharciga cashuurta maamulka iyo sharcigii kabka dawladaha hoose.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa miisaaniyadii sanadkan ee 2012 oo ah miisaaniyadii 20-aad ee ay  shaqaalaha wasaarada maaliyadu sameeyaan.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shuruuc  shan ah oo baanka aduunku wax ka badal ku soo sameeyeen hadana khubaro wasaarada maaliyadu u saartay kuwas oo   dib u eegis ku soo samaynaya.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa diwaan gelintii meheradaha dalka taas oo iyaduna soft-ware ah.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa  qorshaha shanta sano ee wasaarada maaliyada  taas oo ku  dabaqan qorshaha shanta sano ee qaranka.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa siyaasada miisaaniyada sanadka 2012, taas oo ay jirto hal qodob oo odhanaya  in baanka laga soo qaado wixii lacag ah ee loo baahdo iyada oo la joojinayo lacagta garoonada diyaaradaha laga soo qaadayo isla markaana wasaarada maaliyadu 10$  ka qaado dadka soo dagaya iyada oo tacriifadiina ay la socoto miisaaniyada golaha hor taala, lacagtaasna waxa iska leh baanka mana ah lacag ay wasaarada maaliyadu leedahay waxaana golaha wakiilada loo hor geeyey in lacagtaas uu baanku  isla leeyahay.?

Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada md:Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna munaasibadan ka hadlay  ayaa sheegay in markii uu xilkan la wareegayey uu la kulmay dayn badaan balse aanu  hada wax dayn ah ku wareejinayn wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada  ?markii aan xilka la wareegay waxaan la kulmay xaalad adag, taas oo ahayd in dawladu ay qarka u saarnayd inay burburto sababtoo ah waxay ahayd dawlad lacag badan lagu leeyhaya isla markaana ay lacag badani ku maqan tahay.

Waxa jiray in markii laygu wareejinayey xilka in la sheegay dayn badan waxaana la ogaa inaan anigu diiday oo aan soo jeediyey in gudi loo saaro, gudidii loo saaray oo ka koobnayd sadex gudi oo ka kala socotay hay?adddaha kala duwan ee dawladda waxayna baadhistaankoodii ku soo saareen  lacag dhan sadexyo konton malyuun taas oo ku tusaysa inaan wax dayn ahi jiri Karin, markaas wixii daynta lagu sheegayey waxay noqotay lacag la lunsaday.

Waxa kale oo jiray lacago laga tagay oo dayn ahaa kuwaas oo dhab ahaa iyada oo aan shaqaalaha mudo afar bilood ah la siinin wax mushahar ah, ciidamaduna ay laba bilood lahaayeen, raashinkii cusbitaalada,jeelasha iyo ciidamaduna ay is gaadheen markaa lacagta halkaa ku luntay waxay gaadhaysay todobaatan malyuun iyo wax la jira, waana lacag aad u badan taas oo ah lacagtii wax loogu qaban lahaa dalkan.

Markaa dawlada xilka la wareegtay ee aan ka midka ahaa waxay qaadatay inaan is qabqabsi iman dabadeedna waxa la yidhi bal aynu arintaas iska laalno oo haynaga hadho, siyaasad xun may ahayn laakiin ta meesha taalaa waxa weeye in umadu wali ay lacagtii leedahay oo lacag umada ka maqan cidina ma saamixi karto, markaa waa lacag la lunsaday.

Dhibaatooyinkaa dhaqaale ee jiray waxaanu  kaga dabaalanay inaanu aad u shaqayno iyada oo shaqaalaha wasaaradu ay xil dheeraada iska saareen.

Miisaaniyadii 74 milyan ahaan jirtay waxaanu gaadhsiinay 83 milyan waxaana kordhay 75.5%, miisaaniyada sanadkana waxa noo qoran in la gaadho 106 milyan iyada oo ay ka maqan yihiin wixii hanta dawladu leedahay sida guryaha dawlada iyo baabuurta,waxaanu ka gaadhsiin waynay diwaan gelintoodii dabadeed miisaaniyada waxaanu ku soo ururinay dakhligii iyo kharashaadkii.

Marka aynu taa ka gudubno waxa kale oo aanu kordhinay lacagihii kabka ahaa ee aanu siino dawladaha hoose,hay?adda waddooyinka iyo lacagta goboladda bariga ee ahayd 2% taas oo mid waliba kordhay 53%.

Waxa kale oo jira kharashyo aan miisaaniyadda galin kuwaas o ay ka mid yihiin lacago laga qaaday wadanka koonfur afrikaa oo ahayd shan boqol oo kun iyo dakhliyo  kale.

Wax qabadkii 19-kii bilood ee aanu xilka haynay waxa ugu muhiimsa.

Marka aad ka soo qaado waxbarashada waxaanu dugsiyadii hoose dhexe ee dawlada ka  dhaafnay fee-gii.

Waxaanu qornay laba kun oo macalin oo aanu ku darnay shaqaalaha dawlada.

Waxa kale oo aanu qornay 2950 macalin oo aanu  ku  darnay macalimiinta mushaharooyinka qaata.

Caafimaadka oo ahaa shay dadka aad u dhiba oo hadana waxa uu ku  kacayaa marka loo eego lacagta la lunsaday ay wax aad u yar ahayd, sariirihii yaalay ee ingiriisku  ka tagay 1952 ee kolba meel laga laxaamadi jiray waanu ka badalnay cusbitaalka waxaanay ku  kacday boqolyo shan kun oo dolar

Waxa kale oo aanu kicinay qalabka kalyaha  taas oo nagu kacday shanyo afartan kun oo doolar imikana waa la bilaabi doonaa.

Hadyo jeer dadkeenu caafimaadka debada ayey u doontaan waxaan waydiiyey qoladan caafimaadka iyo wasiirkaba maxay ina kalifaysaa inaynu dhakhtarada soo ijaarano, maxay ina kalifaysaa qalabka loo baahan yahay intuu noqonayo, waxay ii keeneen in dhakhtarada expert ahi u baahan yihii 400,000 sanadkii, in qalabku noqonayo 10,280$ oo dabadeed dhakhtaradu ku  shaqaynayaan taas oo lagaga maarmayo caafimaadkii aynu  u tagaynay debada lacagtaasina waxay ku soo noqonaysaa mudo laba sano ah, tani waxay ina tusaysaa inaynu wax badan qabsan karno, waa marka aynu daacada nahay ee daaraha aynu debada ka dhisanayno aynu ka fuur yeelayno waxyaalaha dadku u baahan yihiin.

Qofku ma qurux badnaado hadii uu madax yahay iyada oo umadiisu dayacan tahay magacna ma yeesho milgana ma yeesho.

Kuwa debada ka dhistay daaraha dadka la jaarka ahi markay arkaan waxay odhanayaan dadka waxan dhistay miyaanay dadkoodu  ahayn kuwa sawiradoodu laga daawado warbaahinta ee baahan bilaa cunada ah ee bilaa shaqada ah, kolnaba si hagaagsan uguma dhex noolaan karaan meelahaa ay daaraha ka dhistaan halkana way ka kibreen oo waa kuwii xoolahooda kala tagay.

Imikana waxa soo baxday in dadka laga daba tagayo waa taa cali samatarba la daba taagan yahay kuwii xoolaha umada dhacayna waa laga daba tagi  oo ilaahay cid ayuunbuu u bixin.

Burco waxaanu sanad kaliya kaga badalnay lacagtii giinbaarta ahayd ee ay isticmaalayeen,100% waxaanu kordhinay mushaharka shaqaalaha waana kuwii afarta bilood bilaa mushaharka ahaa maantana bil walba way qaataan.

Intaas waxa noo dheeraa dayn fara badan oo aanu bixinaynay halkii aanu umadda wax ugu qaban lahayn.

Baanku waxa uu hayaa wixii lacag wasaarada lagu lahaa liiskana waa la hayaa waxaana taala lacag la soo daabacay  iyada oo baanka uu qof waliba wixiisa ka qaadanayo sidaas daraadeed wax dayn ah oo aanu kaga tagayno wasiirka cusub ma jirto.

Marka laysu geeyo deymaha aanu bixinay waxay noqonaysa labaatan malyuun iyo badh doolar.

Lacagta aanu maanta hayno ee kaashka waxay ku dhawdahay afaryo toban malyuun oo doolar marka laysku wada geeyo?