Buur Halkaas Fadhida Oo Alle Dadka Siiyey Waa Wax Dadka Ka Dhexeeya Oo Aanu Qofna Yeelan Karin

1
701

20120212070019Hargaysa( Geeska )-Wasiirkii hore maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag uga hadlay wershada sibidhka ee baryahan hadalkeedu taagnaa. Waxaanu Maxamed Xaashi sheegay in umadda Somaliland ay leedahay buuraha ay wershada sibidhka ah ee la keenaa ka samaynayso sibidhka, isla markaasna aan shirkad gaar loo leeyahay la siin karin.

Waxanu Maxamed Xaashi soo jeediyay in shirkadaas ay gacanta ku hayso dawaldu, oo ay yeelato in ka badan boqolkiiba kontan, waxa kale oo uu soo  jeediyay in la sameeyo guddi heer qaran oo maamusha khayraadka dabiiciga ee dalku uu leeyahay.

Waxa uu sidan ku sheegay Eng. Maxamed Xaashi munaasabdii uu ku wareejinayay xilka wasaarada maaliyada oo dhawaan loo soo magacaabay wasiir cusub, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu u baahanahay in aynu samayno guddi qaran oo maamusha khayraadka, oo waxii khayraada ka hadasha hadduu dahab yahay, hadduu sibidh yahay iyo hadduu baatrool yahayba, oo dabadeedna inta umaddu yeelanayso iyo inta shirkadaha la siinaayaa ay qeexnaadaan.” Ayaa uu yidhi, hadalkiisa ayaanu sii watay oo waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahay guddidii loo diray wershada sibidhka markii laga hadlayay ee u horaysay, taladaydu aniga waxay ahayd dawladu gacanta haku hayso, sheeris yar yar ha la iibiyo, oo dunida oo dhan cidii iibsanaysa halaga qaado lacagta, kalkaynu dhaafno heerkii ay warshadu ku dhismaysay yaynaan joojine aan wadno oo sharikado kalana waan ka samayno, si dadku shaqo u helo, wadankuna uu mid warshado leh u noqdo. Hebal baa la siiyay, laba shay oo kala duwan ayaa jira hadaan imika warshad kookakoole ah aan samaysto ama mid saabuuna waa wax aan anigu iska leeyahay, laakiin buur halkaas fadhida oo ilaahay siiyay dadka kolka la rabo waa wax dadka ka dhexeeya oo aan qofna yeelan karin, intii ka shaqaysanaysaana wax waa ay ka kasbanaysaa umadduna waa inay yeelataa 51%  iyo  wax lamida.”

Comments are closed.