“Waxaa Muhiim Ah In La Ilaaliyo Midnimada, Wada Jirka, Iyo Nabada Somaliland”

27
3405

Siyaasi Cabdillaahi Geeljire


Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire),ayaa Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey qaabka ay Doorashadii Madaxtooyadu u qabsoontay, waxaanu ku taliyey in la ilaaliyo midnimada iyo wada jirka umadda Somaliland, isla markaana la aqbalo natiijada Doorashada.
Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland Dimuqraadiyada meel wanaagsan ka gaadhay, isla markaana kaga horeeyso Wadamo badan oo Caalamka ka mid ah, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaan Shacabka iyo Xisbiyadaba ku bogaadinayaa sidii ay Doorashadu inoogu dhacday, mar haddii la tartamay, oo olole la galay, Doorashadiina ay inoo qabsoontay, waxaan filayaa in natiijadana si wanaagsan loo aqbalo, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo midnimada, wada jirka, iyo nabada Somaliland”
Cabdilaahi Geeljire mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada ayaa yidhi“Wadamo badan ayeynu kaga horeeyno dhinaca Dimuqraadiyada iyo qaabka aynu u galno Doorashooyinka,waxaana dhab ah in Caalamku u bogay nidaamkii wanaagsanaa ee ay Shacabkeenu u galeen Doorashada,haddii aynu halkaas ka sii wadno dadaalkeenaana waxa imanaya in la ina ictiraafo, ee halkaas dadaalka aynu ka sii wadno, oo mar walba aynu isku duubnaano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here