Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Doorashadii Madaxtooyada Ee Dalka Ka Qabsoontay

25
2673

Hargeysa(Geeska)-Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah saddexda musharax ee u tartamay doorashadii madaxtooyada ee Isniintii ka qabsoontay Somaliland, ayaa ka hadlay rabshado hore uga dhacay magaalooyin Somaliland ka mid ah iyo sidoo kale sida uu u arko cabashooyinka soo baxay.

Faysal Cali Waraabe oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in la filayo natiijada in maanta lagu dhawaaqo natijada doorashada. Wuxuu Faysal sheegay in dunidu soo majeeratay Somaliland, markay doorashadan qabatay, “Jaraa’id badan oo dunida ah ayaa wax wanaagsan inaga qoray oo inaynu nahay umad jirta oo xaqoodii la duudsiyay oo Afrikaanka ka soo dhex muuqata ayaa la inagu tilmaamay. Bulshada caalamku aad iyo aad ayay u dareesanyihiin in dambi la inaga galay oo aynu jecelnahay doorashada ka bacdi inay inoo midho dhali doonto oo noqon doonto wax la inagu qiimeeyo. Dalkani 27 sannadood ayuu xor ahaa oo dunidu waxba siinin oo adkaysanay oo doorashooyin caan ka noqday Afrika oo doorashooyin qaarkood 85 cod lagu kala helay ay ka mid tahay ayaynu soo soo saarnay.” ayuu yidhi Faysal.
Faysal oo ka hadlaya siyaasiyiinta Waddani oo soo bandhigay buug codayneed wuxuu yidhi “Rag baa intay saxaafadda isa soo taageen yidhi buugaag foojari ah ayaa la soo sameeyay waxay ahayd markay ka baxeen saxaafadda in la soo qabto, hadday foojari yihiin la keeno ciddii soo samaysay haddii NEC laga qaatayna la ogaado cidda bixisay, intay sidaas yidhaahdeen ayaa mudaharaad dhacay dad ayaana ku dhintay ilaa maantana dibadda ayay joogaan, waxaana la ogaaday inuu ahaa buug ka soo hadhay gobalka Saaxil, weliba deegaanka Cirro ah, in la soo qabtaa weeye. “
Wuxuu sheegay in sanaaduuq uu dalbaday xisbiga Waddani in loo baadho aan laga helin wax khalad ah.
Wuxuu Faysal Cali Waraabe sheegay in cadowga Somaliland jabi doono, waxaanu shacabka ugu baaqay inaanay rabshado samaynin ee ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda. “Doorashadu nabad ayay ku dhammaanaysaa ciddii Alle u qorayna way helaysaa, halkaas ayaanan ka sii soconaynaa” ayuu yidhi.
Wuxuu bogaadiyay shakhsiyaad uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Xirsi-qani oo uu sheegay inuu ka shaqeeyay wanaag iyo isu soo dhawaynta umadda,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here