Waxaa Jira Hadallo Iyo Habdhaqanno Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Ereyga ‘Waan Ku Jecelahay’ (2)

0
775

Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya.

  1. Isbeddel raadin

Khataraha soo waajaha jacaylka lammaanaha waxaa ka mid ah in midkood uu doono in kan kale uu isu beddelo sida uu isagu rabo ama ku qancayo. Qof kastaa waxa uu leeyahay dabeecad u dadka kale kaga suntan yahay iyo habdhaqanno qaarkood laga yaabo in aanay qof ka kale raalligelin. Waa dhab in jacaylku indha la’ yahay, waayo waxa uu ina faraa in aynu aqbalno ceebaha uu qofka aynu jecelnahay leeyahay, waxa aanaynu nafta barnaa sida ay dabeecadahaas iyo ceebahaas ula macaamili karto. In qofka aad ku jeclaato sida uu asalkiisu yahay adiga oo aan ka doonayn isbeddel waxa ay sii xoojisaa jacaylka uu qofkaasi kuu qabo. Laakiin haddii jacayl iyo xidhiidh kaddib uu lammaanaha midkood kan kale ka doono isbeddel ama in aragtidiisa iyo taladiisa oo keliya lagu socdaa waxa ay khatar ku tahay niyaddii iyo jacaylkii labada qof isugu yimaaddeen.

Jacaylkaaga ku xaqdhowr dabeecaddiisa abuurka ah, haddii aad marka hore iska indhatirtayna ka digtoonow in aad mar dambe ka doonto isbeddel.

Ha ka dheeraan

Qof kastaa waxa uu jecelyahay in mataankiisa noloshu aanu ka dheeraan, in lammaanaha is qabaa meel ku wada nool yihiin waxa ay sii xoojisay jacaylka ka dhexeeya. Jacaylkaaga u muuji in aad la jooggiisa ku nasato, ku dadaal in aad xafladaha iyo munaasadaha qaar u raacdo, una sheeg in aad caajis iyo wehel la’aan dareento marka aanu ku hareer joogin. In qofka aad jeceshay uu ogaado in agjooggiisu wehel kuu yahay, in aad jeceshay raacistiisa iyo sheekadiisu waxa ay jacaylka lammaanaha u xoojisaa si ka badan sida uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ u xoojiyo.

Jacaylkaaga dareensii in maalin kasta oo cusubi ay ka duwan tahay maalintii ka horreysay xiisaha aad u qabtaana sii xoogeystay

Qir saamaynta uu jacaylkaagu kugu yeeshay

Waxaa hubaal ah in labada qof ee is jecel mid kastaa uu kan kale saamayn ku yeelanayo, xaaskaaga ama saygaaga u sheeg waxyaabaha wanaagsan ee uu noloshaada ku soo kordhiyey. U qir in uu noloshaada isbeddel fiican ku keenay. Mar kasta oo qofka uu xidhiidhka jacayl idinka dhexeeyaa ogaado in jacaylkiisu sabab u noqday in maanta aad ka fiican tahay shalay, waxa ay ku sii kordhisaa jacayl iyo xiise dheeraad ah oo ka awood badan in aad afka ka odhan lahayd ‘Waan ku jecelahay’

Doorbidis

Qofka aad jeceshay oo aad ka dareento in uu naftaada iyo jacaylkaaga awgii u hurayo xitaa waxa ay naftiisu jeclaan lahayd, waxa ay sii xoojisaa jacaylka. Jacaylkaaga oo ogaada in wax kasta aad raalligelintiisa u hurayso, iyo in wax kasta isaga aad ku horreysiinaysaa waxa ay ka awood badan tahay ereyga waan ku jecelahay oo aad ku tidhaahdo. Waxa ay muujisaa xurmayn iyo wanaag aad u hayso, sidaas ageed waxa uu qalbigiisu ku xasilaa jacaylka uu kuu qabo.