Cilmiga Oo Xaqiijiyey In Qofka Maskax Badani Uu Dhibaatooyin Nololeed La Kulmo (1)

0
721

Inkasta maskax badnaantu ay ka mid tahay fureyaasha nolosha togan inta badanna la majeerto qofka lagu tuhmo, haddana waayoaragnimada nolosha iyo daraasaadka cilmiga ahiba waxa ay ka marag kaceen in dadkaasi ay inta badan dhibaatooyin kala kulmaan nolosha. Hal-adayga, ildheeraanta, dadaal badnida iyo feejignaanta oo ka mid ah dabeecadaha dadkan lagu yaqaanno ayaa dhinacooda wanaagsan marka laga yimaaddo waxa ay ka mid yihiin sababaha khatarta iyo dhibaatada nololeed qofka u soo jiida.

Warbixin ay qoraaga Evdokimova Irina ku faafisay shabakadda FBR ee dalka Ruusha ayaa ay ku soo bandhigtay caqabadaha ay inta badan la kulmaan dadka maskaxda badan ama fariiddada lagu tilmaamo.

  1. Ma laha awood uu dareenkiisa dhabta ah ku cabbiro

Dadka maskaxda badan ayaa la ogaaday in ay dhibaato kala kulmaan sheegidda iyo faahfaahinta dareenka ay qabaan iyo waxa niyaddooda ka dhex guuxaya. Sababaha waxaa ka mid ah qofka maskaxda badan oo aalaaba jecel in waxa uu sheegayaa ay noqdaan wax maangal ah, joogtana uga taxaddara in wax aanay maskaxdiisu shiilin uu sheego. Arrintani waxa ay keentaa in uu hadalka hakad ka galo si uu uga fikiro ama in uu ku dhici waayo in waxyaabo badan uu sheego isaga oo ka baqo qaba in ay noqdaan wax aan macno lahayn. Sababahaas ayaa qofka maskaxda badan ka hor istaaga in uu dareenka uu qabo sida saxda ah u cabbiro.

  1. Filashada weyn ee laga qabo ayaa cabsi ku abuurta

Qofka maskaxda badan waxaa ku adag in uu galdaloolooyinkiisa iyo ceebihiisa ka hor sheego dadka kale, waxa aanu ka feejigan yahay in lagu ogaado. Waxaa intaas dheer dadka maskaxda badan oo caan ku ah ka cabsashada guuldarrada. Xeeldheereyaasha cilmiga bulshada oo baadhay waxa ku keenay cabsidan ayaa sheegay in ay jiraan sababo kala duwan; waxaa ka mid ah qaabka marka horeba qofka loo soo koriyo oo qof kasta ku sababi karta cabsi nololeed. Waalidka ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in marka ay ilmahooda ku arkaan fariidnimo iyo maskaxbanaan in ay saaraan cadaadis dheeraad ah oo ku sababa in ku dhaca ku yaraado iyo cabsi badan. Tusaale ahaan waalidka ilmihiisa maskax badnaan ku tuhmayaa waxa uu ilmaha ku cadaadiyaa in uu darajo fiican ka keeno imtixaanada waxbarashada.

Filashadaas sare ee ilmaha laga sugayo iyada oo weliba loo sheegayo ayaa sababta in haddii ilmuhu uu dhabayn kari waayo in ay ku noqoto dhibaatooyin nafsadeed. Qaabka ay waalidku ilmaha ugu sheegaan filashadan ayaa ah kan keenaya dhaawaca ugu weyn. Waxa ay inta badan ilmaha ku abuurana cabsi uu ka baqo fashilaadda, taas oo keenta in ilmuhu uu ka dheeraado is tijaabinta iyo samaynta wax kasta oo uu khatar ku tuhmayo si aanu u fashilmin. Taasina waxa ay ugu dambaynta keentaa in aanu isku dayin fursadaha qaarkood oo guul u horseedi lahaa.