“Waxa Jira Wasiiro Ku Takri Fala Xilkooda Iyo Masuuliyada Ay Hayaan”

0
749

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Baar Siciid Faarax, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa waxa ay dhaliil u soo jeedisay Xukuumadda, gaar ahaan qaar ka mid ah Wasiiradda dalka, waxayna sheegtay inay sida ay doonaan ugu takrifaalan hantida Qaranka.

Xildhibaan Baar Siciid Faarax  oo wareysi gaar ah siisay Wargeyska Geeska Afrika  waxayna tidhi iyada oo arimahaas ka hadlaysa “Waxa jira Wasiiro badan oo ka tirsan Xukuumaddan, oo xilkooda iyo masuuliyada ay Qaranka u hayaan ku takrifalaya, waxa jira oo cad ciid walbina og tahay Wasiiro intii aanay xilka haynin Guriyo caadiya ku jiray, Maantana Guriyo Dabaqyo ah dhistay, waxa jira Wasaaraddo dhexdooda laga furtay ganacsi,iyada oo Wasaaradduhu ka dhexeeyaan Umadda Somaliland oo dhan, waxa jiro Guriyo badan oo Qaranku lahaa oo aan Sharciga loo marin iibintoodii”.

Marwo Baar Siciid Faarax ayaa mar ay ka hadlaysay Xukuumaddan iyo Golaha Wakiilada ayaa tidhii “Doorashadii Golaha Wakiiladu waxa ay ku beegnayd 2010,  markaas Xukuumaddan ayaa taladda haysay, wakhtigaas waan ka hadlay,  weyna awoodi karaysay inay qabato Doorashada Golaha Wakiilada, balse nasiib daro may qaban, sida cadna Daahir Rayaale Kaahin Doorashooyin dhawr ah ayuu qabtay, si nabadgeliyo ku jirto ayey u dhaceen, Xukuumaddan Doorasho qudha oo ah Doorashadii Golayaasha Deegaanka ayey qabatay sida ay ugu fashilantayna iyo dhibaatooyinkii ka dhashay waa tii la arkaayey”.