Madaxweynaha Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgaliyay Madaarka Hargeysa

0
615

Picture3Hargeysa (Hargeysa) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa khamiistii furay Afar mashruuc oo laga hirgeliyey Madaarka diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal. Mashaariicda uu Madaxweynuhu furay waxa ka mid ah, wejiga labaad ee dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ama ka soo degaan ee Madaarka Cigaal, kaasi oo la dhamaystiray isla-markaana dhererkiisu dhan yahay guud ahaantii 3700Mitir.

Furitaanka mashaariicda loo xafladeeyay, ayaa waxa goob joog ka ahaa, Madaxweyne Siilaanyo, Marwada Koowaad Aamina-Waris Sh Maxamed Jirde, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Wasiiro, Salaadiin Ganacsato, Safiiro iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Mashaariicdan uu Madaxweynuhu furay ayaa waxa ka mid ahaa xayndaabka loo sameeyay Madaarka Cigaal oo ka kooban 13KM oo isku wareeg ah, kaasi oo la sheegay inuu wax ka taray xaaladda ammaan ee Madaarka isla-markaana ka mid ah shuruudaha madaarka Cigaal ku noqon karo Caalami la tartami kara madaarrada kal ee adduunka.

Waxa kale oo ka mid ah Mashaariicda loo xafladeeyay waaxda dhismaha xarunta Dab-damista Madaarka Hargeysa oo la casriyeyay , halka Mashruuca afraadna uu ahaa laydh lagu xidhay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan, kaasi oo sahlaya in Madaarku habeenkii shaqeeyo wixii ka dambeeya 10-ka bisha June ee sanadkan.

Agaasimaha guud ee wasaarada duulista hawada Cumar-zayid Cabdilaahi Aadan, oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda wasaaraddiisu daah furtay “Runtii aad iyo aad ayaanu idiinku soo dhaweynaynaa, xafladda furitaanka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal oo lagu daah furayo afar mashruuc oo Madaxweynaha Qaranku xadhigga ka jarayo, afarta mashruuc oo kala ah Dhabbada Diyaaradaha oo lagu daray 1250 miter (kun iyo laba boqol iyo konton miter) Xaydaab Silig ah oo isku wareeg ah 13KM (Sadex iyo Toban kiiloomitir) laydhkii habeenkii diyaaraduhu ku dagyeen kuna duulayeen (Runway Lighting) iyo Xarun Dabdamis oo casri ah, haruumarka intaa le’egi waa haruumar taariikhi ah runtii aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aad ka soo qaybgashaan Dhamaantiin…”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ayaa isaguna sharaxay mashaariicda Madaarka ka hirgalay, waxaanu yidhi “Munaasibaddani dulucdeedu maaha inaynu hadallo ama khudbado uun ka jeedinayno ama xadhko laga jarayo ee Madaarkii Caasimadda Hargeysa ee Cigaal oo maanta noqday Garoon caalamiya oo buuxiyey shuruudihii hay’adda ICAO, geeddi dheer ayaa loo soo marey arrintaasi. Madaarka Hargeysa oo la dhisay 57 sanadood ka hor, ninkii maalin joogeyba meel buu gaadhsiinayey, xukuumadda Kulmiye ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo meel bay ugu timid Madaarka, raggii ka horeeyayna way soo shaqeeyeen oo mana dafirno maamuladii naga horeeyay waxay qabteen, laakiin wixii aanu qabaney haddaanu sheegno macnaheedu waxa weeye inaanu taayada ka waranno iyo halka aanu wax marinayno, faan maaha, buunbuunin iyo indho sar caadin maaha, waana guul u soo hoyatay Somaliland in madaarkii Caasimadda Hargeysa uu noqdo garoon caalamiya. Cigaal International waynu iskaga dhiganay (qoraney markii hore), laakiin xaqiiqadu sidaa ma ahayn, waayo haddii diyaaradaha ka goosha iyo dunidu aqoonsanin oo ayna aqoonsanin hay’adda duulimaadyada ee ICAO ee madaarrada qiimeysaa, waxaana la qiimeeyaa nadaafadda iyo Musqulaha, markaa innagu haddaynu isku tagno kama dhigi karno garoon caalamiya, laakiin inaynu tacabkeenna isku geynno ayaa caalami ka dhigi karaya. Garoonka waxa qiimeyn caalamiya lagu samayn doonaa bisha soo socota, garoonka Cigaal na shanta sanadood ee xukuumadda KULMIYE dalka hoggaaminayso wax badan baa iska beddelay, korodhkiisa, terminaalladiisa, terminaalka uu ingiriisku inoo dhisay 1958-kii waxa ku xigay Terminaalka la dhisay 1996-kii”

Wasiir Xaashi Waxa kale oo uu sheegay “Ternimaalka la dhisay 1996-kii waxa uu qaadayey 100 qof, imikana waxa uu qaadaa 1000 qof, taasina waxay muujinaysaa baaxadda isbeddelka uu sameeyay Madaarka. Terminaalka laga soo degaa markii hore wuxuu qaadi jiray tiro kooban, imikana afar jeer buu laban-laabmay, Ternimaallo cusub maynaan dhisan ee kuwii hore ayuun baynu lacag badan gelinay, cashuurta iyo ammaanada ummadda ayaa lagu dhisay, markaa xukuumaddu lacag badan ayay galisay madaarka, sida ay waddooyinka iyo dhismayaasha wasaaradahaba. Reer Somaliland waa dad abaalka yaqaan, waynu u mahadnaqeynaa dowladda Kuwait oo $ 15 Milyan dollar noogu deeqday, 8,600.000 doollar oo lacagtaasi ka mid ahi waxay gashay garoonka caalamiga ah ee Cigaal, waxa kale oo madaarkan galey $ 1.400.000 dollar, Lacagtaasi oo dawladda Kuwait siisay khuburadii halkan ka joogay, markaa toban milyan ayaa galay Madaarka Hargeysa. Garoonka Berbera na waxa galay afar Milyan iyo afar boqol, lixda boqol ee kale waxay galeen khuburadii la talinta ee Madaarka Berbera, lacag laba Milyan ah ayaa ku baxday kh uburadii ilaalinaysay Mashaariicdeena, waayo ma lihin aqoon aynu iskaga eegno. Dhabbaha cusub ee aynu dhisnay ee 1250 mitir, iyadoo keenii hore ahaa 24050 mitir, dhabaha cusub waxa soo qaatey shaqo aad u weyn, waxa uu ka kooban yahay laba derajo oo kala hooseeya, waxaana looga dan leeyahay inaan 20 sanadood gacan dambe la saarin” ayuu ydihi, waxaanu intaasi ku daray “Dawladda Kuwait waanu uga mahadnaqeynaa, waayo kharashka ku baxay dhabbaha cusub ee diyaaradaha dhammaantii iyadaa bixisay, khuburada ilaalinaysay mashruucana iyadaa bixisay, silligga (lagu wareejiyey Madaarka) boqolkiiba siddeetan waxa bixisay Kuwait, labaatanka kalena Somaliland baa bixisay, waxaanuna ku darnay $ 250,000 dollar. Run wayga cusub waxa uu qaadi karaa 165 tan. Waxaynu ku guuleysanay xayn daab ilaaliya madaarkeenna, waana shardi ka mid ahaa shuruudaha lagu qiimeeyo madaarrada dunida, waana 13KM, waxaanu ku fadhiyaa 1058 baloog..”

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu xusay “Mashruuca kale ee aanu hirgalinay waxa weeye, mashruuca dab-damiska oo gaadhi kasta oo kuwa dab-damiska ahi waxa uu qaadi karaa 2000 litir oo biyo ah, haddii ILAAHAY innaguma keenee uu dab yimaaddo uu biyaha ku shubi karaa laba Sikin, markaa waxaynu buuxinay shuruudihii caalamiga ahaa ee la inooga baahnaa” ayuu yidhi, waxaanu intaaasi sii raaciyey “Mashruuca afraad waxa weeyaan laydhka Suurtagalinayey duulimaadyada habeenkii oo aanu tijaabay, laga bilaabo 10-ka bisha June 2015-ka madaarkeenu habeenkii ayuu shaqeynayaa…”

Wasiirka howlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Somaliland, Cabdrisaaq Khaliif Axmed, oo munaasibadii ka hadlay, ayaa xusay xiligii madaxawaynaha Somaliland magacaabay gudiga xadayanta madaarka iyo sababaha dhaliyay aasaaskooda waxaanu tilmaamay inay ka dambaysay dhulka madaarka Hargeysa oo intiisa badan dad shiciba ay deganayeen gacantana ku hayeen, waxaanu wasiirka oo arrimaahsi sharaxaya yidhi “Mudane Madaxwene 2012 ayaad magacawday gudigan xayndaabta madaarka iyadoo la ogaa in madaarka marka laga reebo diilinta Dhabbaha ay ahaayeen hanti ay dad gaar adhi sheeganayaan oo inta badan ay sharci golayaasheena dowladeed ka soo baxay ay haystaan, runtii waxay ahayd shaqo aad u dhib badan waxay markaa guddidu u astaysnayd inay qabato xayndaabka madaarka, wasaaradda howlaha guud waxay ku darsatay oo ay qayb kala qaadatay wasaarada duulista iyo hawada horumarinta madaarka”

Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Neil Wigan oo ka mid ahaa madaxda halkaasi ka hadashay ayaa amaanay hawsha laga qabtey Madaarka Cigaal, waxaanu yidhi “Waxaan jecalahay inaan halkan ka hambalyeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Duulista, shaqada layaabka leh iyo hawsha baaxadda leh ee aan ujeeddo maanta ee laga qabtey Madaarka Cigaal. Waxaan filayaa madaar Casriya oo sidan oo kale loo diyaariyey wuxuu hanti u yahay dalkan Somaliland, waana sawir baaxad leh oo ka tarjumaya Somaliland marka dadku ka soo degaan. Waanan ku faraxsanahay inaan arko hoggaamiyayaasha dhaqanka, asxaabta siyaasadda iyo dawladdu si wada jir ah u taageeraan horumarka dalkooda…”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo madashaasi ka hadlay ayaa Wasiirak Duulista ka raali galiyey dhaliilo hore oo uu u jeediyey, waxaanu yidhi “ aduunka waxaa ugu weyni waa amaanka, amaankuna wuxuu ahaa wixii ay inagaga tegtay Diyaarada Ethiopia Airlines, isagana waa taa maanta la hagaajiyey, anigu waxaan ahaa dadkii dhaliili jiray Wasiirka Duulista markii Runwayga hore la sameynayey, waxa tahay qof siyaasi ah oo hadaan lagula qaybsan waxa soo baxa, waxad ku shaqaynaysaa waxaa saa la yidhi iyo waxaa saa la yidhi, laakiin halkan waxaan ku aragnay in wasiirku madaarkii dhisay hawl badana uu qabtay, wanaan ka raali galinayaa dhaliishaydii hore, haduu warka saxda ah I siin lahaana taasi may dhacdeen.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal

Gabogabadii waxa Munaasibaddaasi hadal kooban ka jeediyay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu mahadnaq iyo amaan u jeediyay masuuliyiinta wasaaradda duulista hawada ee Somaliland, waxaanu tilmaamay waxtarka mashaariicdaasi dalka u leeyihiin.

Madaxwaynaha oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Mahadnaq aad iyo aad u balaadhan ayaan u soo jeedinayaa wasaaradda Duulista iyo shaqaalaha oo maanta garoonkan aynu furayno ee qiimaha iyo qaayaha leh balaadhintiisa iyo waxtarkiisa qiimaha uu dalkeena u leeyahay oo aynu kuligeen ku faanayno oo waxtar inoo ah”

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay “Insha Allaahu tacaalaa waxaan rajeynayaa in ay maalinba maalinta ka sii danbaysa aynu ka sii badino halkaa horumarka hore uga sii kacno, dalkeena waxa calaamad u ah in aynu horumarino oo aynu mar walba tiigsano horumarkiisa iyo wax korodhkiisa, sidaa daraadeed maanta waan ku hambalyeeynayaa wasaaradda duulista iyo intii ka hawl gashaba balaadhinta garoonka Cigaal lagu sameeyay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Taasi waxay saldhig u tahay in dalku gaadhey meel dheer sidaas ayaynu shacab iyo dowlad ku sii wada shaqeynayaa” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Md; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu intaas ku darey “Dawlada Kuwait gacantii ay naga siisay dhismaha balaadhinta madaarka iyadana mahad naq aad iyo aad u balaadhan ayaan u dirayaa”. ayuu yidhi Md,.Madaxweyne Siilaanyo.