Waxa Innagu Waajib Ah, Inaynu Ka Fogaano Wax Kasta Oo Akhiradeena Khatar Ku Ah..”

0
899

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyihii hore ee Guddida Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla, ayaa ku baaqay in laga dheerado wax kasta oo Diinta islaamka lid ku ah ee Ilaahay raalli ka ahayn.

Guddoomiyihii hore ee Guddida Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Diinta Islaamku waa Diinta qudha ee xaqa ah, waa Diinta wanaagga, waa Diinta cadaaladda, markaas inaynu diinteena ilaashano, oo aynu ka fogaano wax kasta oo lid ku ah, ayaa inagu waajib ah, waxaynu nahay dad uu ALLE ku nimcaystay nimcada Diinta Islaamka, inaynu islaanimadeena ilaashano oo ka fogaano xumaanta iyo wax kasta oo akhiradeena khatar ku ah ayaa inagu waajib ah, inaynu cabsida ALLE badino, inaynu baryadiisa badino, inaynu ka dheeraano wax kasta oo uu inaga xarimay, lana nimaadno wax kasta oo uu inoo fasaxay ayaa inagu waajib ah, Allaah waxaynu ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, khaatumadana khayr inoogu khatimo”.

Guddoomiyihii hore ee Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland mar uu ka hadlayey barbaarinta ubadka ayaa yidhi “Inaynu ubadkeena ku barbaarino diinteena iyo dhaqankeena suuban ayaa la inaga doonaya, inaynu akhlaaq wanaagsan ku barbaarino ayaa la inaga doonayaa, Allaah ubadkeena ha inoo hagaajiyee, waxaan leeyahay Waalidku mar walba ubadkooda ha ka war hayaan”.

Mar uu ka hadlayey Baraha Bulshada ayuu yidhi “Baraha Bulshada imika aad baa loo isticmaalaa, oo qof walba sida uu rabo ayuu u isticmaalaa, laakiin inagu maadaama aynu nahay dad islaam ah, waxaa inala gudboon inaynu baraha bulshada dhinaca khayrka u isticmaalno, oo laga fogaado wax kasta oo cirdiga, sharafta iyo karaamada umadda waxyeelo ku ah”.

Geeska.net/Hargeisa Office