“Haddii Somalilandnimadu Dhab Inaga Tahay Waa In Dastuurka Dib Loo Furaa..” Xildhibaan ka Mid Ah Golaha Wakiillada

0
418

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda Sanaag-bari, ayaa sheegay in aanay xaq iyo caddaalaad ahayn in kuraasta Golaha Wakiilada Beelaha Somaliland ay aad ugu kala bataan oo farqi aad u badani u dhexeeyo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Gobolka Sanaag, waxaanu soo jeediyey in Gobolkaasi u baahan yahay in wax badan oo ka dhiman loo qabto, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doodayadii aan Golaha hortiisa ka soo jeediyey waan ka badheedhay oo si qoto dheer ayaan uga hadlay Xeerka Doorashooyinka ee hadda Golaha hor yaalla, waxaan ku sheegay in Beelaha Somaliland wada degaa aanay isku xaq iyo isku xuquuq ku ahayn kuraasta Golaha Wakiilada, maxaa yeelay xaq maaha in Beeli ay kuraasta ku yeelato dhawr iyo konton kursi, beelaha kalena ay ku wada yeeshaan afar iyo labaatan kursi oo qudha, markaa haddii Somalilandnimadu dhab inaga tahay waa in Dastuurka dib loo furaa, oo Beelaha wax tabanaya tabashadooda wax laga qabtaa, saamigoodana la siiyaa.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaynu ka war qabno Somaliland isku tanaasul ayay heerkan ku soo gaadhay, markaas Somaliland oo mid ah haddii la rabo waxaa la inooga baahan yahay  in la saxo wax walba oo khaldan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gobolka Sanaag, waa Gobolka Somaliland ugu balaadhan, waa Gobolka Somaliland ugu baaxadda weyn, haddana waa wax badan tabanaya oo duruufo adagi ka jiraan, waa Gobol u baahan in sare loo soo soo qaado xaalado baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo wixii la midka ahba, maxaa yeelay hadda dhibaatooyinkii ka taagnaa kama tagna ee Gobolku wuxuu u baahan yahay in sare loo soo kiciyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira oo laga fuliyo maashiirico horumarineed..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office