Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Shubay Lacagtii Shuruudda Lagaga Dhigay Musharraxiinta U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

0
605

Tartan Adag oo Jagada 4-aad ee Hoggaanka Kulmiye ku dhex mari doonta Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shubay Lacagtii Shuruudda looga dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Mudane Saylici wuxuu doonayaa inuu sii xajisto Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo uu ku fadhiyey dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay, waxaanse uu Madaxweyne ku-xigeenka tartan ka soo waajahayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda uu Madaxweyne ku-xigeenka yahay Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna shubay Lacagta Shuruudda ah, si uu ugu tartamo kursiga uu Madaxweyne ku-xigeen Saylici ku fadhiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Mr. Saajin ayaa waxay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan adag oo wata xafiiltan siyaasadeed dhex maro labadan Masuul.

Tartankan ayaa xiiso iyo xamaasad u yeeli doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, waxaana labadan Masuul ee isku gobolka ka soo jeedaa u muuqdaan inay yihiin labada Masuul ee uu tartanka ugu adagi ku dhex marayo shirweynaha Xisbiga KULMIYE.

 

Geeska.net/Hargeisa Office