Arday Uu Ka Mid Yahay Tifaftiraha Geeska Afrika Oo Shahaadada Master Lagu Guddoonsiiyey Uganda

0
541

Kampala(Geeska):-Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Md. Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), oo dhamaytay waxbarashada Jaamacadda heerka labaad ee loo yaqaano “Master” ayaa kaalmaha hore ka galay ardaydii ugu saraysay ee ka qalin-jebisa jaamacada Kampala University ee dalka Yugaandha.

Munaasibadda qalin-jebinta oo shalay ka qabsoontay xarunta jaamacaddaas ee magaalada Kampala ee dalka Yugaandha, kana soo qaybgaleen masuuliyiin sar sare oo ka socotay dawladda Yugaandha, masuuliyiinta ugu sarraysa jaamacaddaas, siyaasiyiin iyo ganacsato caan ka ah dalkaas, ayaa lagaga dhawaaqay ardaydii ugu sarraysay oo uu ka mid ahaa tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Md. Maxamed  Xuseen Jaamac Raambo.

Md. Maxamed Xuseen (Rambo) ayaa muddo laba sanno ah baranayay cilmiga siyaasadda iyo dibloomaasiyadda, waxaana ku wahelinaayey qalinjebinta arday kale oo ay waxbarashadooda ka wada baranayeen jaamacadda Kampala oo ay u fududaysay una soo marinaysay jaamacadda Hope ee Somaliland.

Ardaydan oo dhamayd Lix arday oo ka mid ahaa kuwii xafladda qalin-jebinta kaga qaybgalay magaalada Kampala, ayaa saddex kale oo ka mid ah iyagana la guddoonsiiyey shahaado sharaf lagu maamuusay kaalinta sare ee ay ka galeen waxbarashadii ay soo dhamaysteen. Saddexdaas arday ee reer Somaliland ayaa ka ah, Md. Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah saxafi caan ah oo hadda ka tirsan idaacadda VOA, Maariya Cabdillaahi Gahayr iyo Hibaaq Ibraahim Gamuute. Afartan arday oo lagu maamusay darajada afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo HONOR.

Ugu danbayntiina intii ay socotay munaasibaddu ayaa masuuliyiintii hadlayay ay shaaciyeen in ay goobta ku sugan yihiin arday ka socota Somaliland oo ka mid ah kuwa qalin-jebinaya. Waxaana ay ardaydani ka mid ahaayeen  dufcaddii 12aad ee ka qalinjabisay jaamacada Kambala ee dalkaasi Ugaandha. Arday tiradoodu saddex kun gaadhaysay oo ka qalin jabiyey jaamacada ayaa marka laga tago dalka Uganda, waxa kale oo mid ahaa arday ka timi tobaneeyo dal oo Afrikan ah sida, Kenya, Rwanda, Tanzania, Congo, Somalia, South Sudan, Ethiopia Iyo Somaliland Guud ahaan ardayda reer Somaliland ee dhammaysatay jaamacadda Kampala University iyada oo ay u fududaysay jaamacadda HOPE ee magaalada Hargeysa, ayaa intooda ka qaybgashay xafladda qalinjabinta eek a dhacday xarunta jaamacadda ee magaalada Kampala waxa ay kala yihiin:

Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo)

Barkhad Maxamuud Kaariye

Hibaaq Ibraahim Gammuute

Farduus Siciid Dirir

Maariya Cabdillaahi Gahayr

Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan.