Wax-Qabadka Xukuumadda Qalinkaa Ka Xaday Eber-Ka (Siirooga) Toddobada Ka Dambeeya : Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro)

13
714

 

xabashWaxay dhawaan xukuumaddu soo saartay inay 70% ku guulaysatay wax-qabadkii ay ugu talo gashay muddada shanta sanadood ah, taasi oo noqonaysa inay xukuumaddu 16 saacadood maalin walba shaqaysay, iyada oo la ogyahay inay 4 saacadood in ka yar maalin walba shaqayso taasina.

waxay noqonaysaa inay 7% ay qabato ilayn afar saacadood uun baa la shaqeeyaa.

Haddaba xisbiga UDUB oo muddo ku siman 10 sannadood talada dalka soo hayay, isla markaana waayo arag ku ah arrimaha maamulka ee dalka waxa uu diiwaan geliyay inay jirto wax qabadka iska daaye inay waxyeeladu ciidaa ka badantahay tusaale ahaan waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa dhacdooyinka wadanka ka dhacay labadii sannadood iyo badhkii ay talada dalka hayeen xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa KULMIYE.

 1. Mudada sannadood iyo badhka ahayd ee ay KULMIYE awoodda hayeen waxa la ogyahay in ugu yaraan 161 dil ka dhaceen Somaliland, taasi oo aan dhicin tobankii sannadood ee ay UDUB haysatay.

2. September 2010 waxa xeebta galbeed meel u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac dhexdooda ka soo degay ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 300 oo maleeshiyo ah, waxaanay 24-saacadood in ka yar aleeshiyadaasi kaga gudbeen xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, taasi oo keentay inay masuuliyiintii Xukuumadda Axmed Siilaanyo hadalo is-dhaaf ah kaga jawaabeen dhacdadaasi, ilaa maantana siday arrintaasi u dhacday wax lagu qanco xukuumadda Axmed Siilaanyo may horkeenin shacabka.

 3. Muddo yar dabadeed ciidamo Puntland leedahay ayaa soo galay xuduuda Somaliland gaar ahaan bariga Sanaag, iyaga oo dagaal ku soo qaaday ciidan beeleedyo halkaasi deganaa oo reer Somaliland ah. Kuna soo dhawaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, xukuumadda Siilaanayana waxba kama odhan, talaabana kama qaadin.l

4. sidoo kale waxa meesha la yidhaahdo Kalshaale isku dilay berkado laba beelood oo halkaasi wada dega, ka dibna waxa si toos ah dagaalka u galay ciidanka Qaranka Somaliland oo beel ka mid ah labada beelood xoojiyay, taasi oo keentay inay sii fogaadaan dad loo baahnaa in Somaliland lagu soo jiido oo u dhashay Somaliland.

 5. Maxkamadda Caynabo gudaheeda waxa duhur cad lagala baxay gabadh ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, taasi oo ay xoog ku kaxaysteen beesha degan magaalada Caynabo oo ah beesha uu ka soo jeedo madaxweynuhu, arrintaasina ilaa maanta wuu laalan yahay, waxbana lagama qaban.

 6. Diyaarad saanad ciidan u siday Puntland ayaa iska soo fadhiisatay madaarka Hargeysa, taasi oo markii nimankii waday la keenay maxkamadu ay yidhaahdeen miyaanay halkani Somalia ahayn, ka dibna waxa la noo sheegay in raggii watay iyo diyaaradiiba la soo daayay, lana sheegay in waxoogaa lacag ah laga qaaday.
7. Waxa kale oo xusid Mudan nin Jarmal ah oo sameeyay waxyaabo dhaqan xumo oo diinta Islaamka ka soo horjeeda, muddana dadku ku mashquuleen, aakhirkiina la xukumay, haddana la sheegay in diyaarad loo saaray dalkiisa. 8. Muran ka dhacay Jaamacadda Hargeysa oo ah goob waxbarasho,  haddana xalkiisa si siyaasadaysan loo maamulay, taasina ay keentay in muddo ay Jaamacadu xidhnaato.

9. Dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal, loona xidhay dad badan oo lagu tuhmay, kana mid ahaa dadkaa la xidhay la taliyihii dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland. Isla markaana xilkii
lagaga qaaday taliyihii ciidanka Qaranka Somaliland. Maantana waa wasiirka Warfaafinta Somaliland, taasi oo fadeexad ku noqonaysa dawladnimada Somaliland. 10. Fadeexad xilka lagaga qaaday maayarkii hore ee Gabilay, laguna bedelay ku xigeenkiisii, iyada oo golihii deegaanka Gabilay-na loo diiday fadhigii ay xaqa u lahaayeen inay fadhiistaan oo ay Maayar ku

doortaan, taasina ay keentay colaad iyo kala weji dadab dadkii ku wada noolaa Gabilay.

 11. Guryihii lagu gubay xaafadda Gacan Libaax oo aan ilaa maanta la sheegin cid gubtay iyo sabab loo gubay toona.

 12. Xilka qaadistii Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka, isaga oo lagu casuumay khudbad sannadeedkii uu Madaxweynuhu labada gole ka horjeedinayay, isaga oo yidhi, kana xilka waan ka qaaday, taasi oo ka baxsan hab maamuuska iyo maamulka madaxdaba.

 13. Xadhigii masuuliyiintii Qaranka sida badhasaabkii Hargeysa iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay lunsadeen raashin ay dad danyar ahi lahaayeen, muddoana lix bilood ah xidhnaa, ka dibna maxkamadda dib loo keenay lana sheegay in kiiskaa lagu waayay. Raashinkii danyartu lahaydna oo laba doonyood ahaana cid lagu eedeeyay oo kale iyo cid loo raacay toona aanay jirin.
14. Dagaalkii Buuhoodle ka dhacay, kaasi oo xilka lagaga qaaday taliyihii ciidanka Qaranka.

15. Dadkii danyarta ahaa ee laga raray suuqyada, xabaalaha, Jajabka, shacabka iwm dadkaasi oo kumaan kun ka badnayd meel la geeyay aanay jirin. Intaa waxaynu ku soo koobaynaa arrimihii gudaha arrimaha Debada
1. Bil ka dib markii xukuumadani talada la wareegtay wuxuu wasiirka arrimaha debadu ku dhawaaqay in la bedelay siyaasadii hore ee Somaliland ku socon jirtay oo ahayd in aynaan Somalia ka mid ahayn, lana horfadhiisan jirin, meel ay Somalia fadhidana la tegi jirin, sheegayna in lagu bedelay xagga wax qaybsiga iyo inaanu ka mid nahay Somalia, lana horfadhiisan doono Somalia meel kasta oo ay ku shirayso.

2. Wuxuu madaxweynuhu labada gole ee Sharci dejinta ku mariyay in laga qaado qodobkii xayiraada saarayay cida ka qayb gasha shirarka Somalia inay tahay dambiile qaran, taasi oo bilaa dood lagaga qaaday.
3. Shirkii Magaalada london oo ay is-horfadhiisteen madaxweynihii hore ee dalka Somalia (TFG-da la odhan jiray) Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland, sawirkaasi oo u dhignaa inay Somaliland la mid tahay Puntland.

4. Jahawareer ku yimid siyaasadii arrimaha debada ee Somaliland, oo aan ilaa maanta la moodo inay xukuumaddu cadaysan kari la'adahay waxay doonayso.

 Waxa kale oo dhacay, hay'adihii sharci dejinta oo ku milmay waaxdii fulinta, tusaale ahaan Gudoomiyihii golaha wakiiladda oo haddana ah Gudoomiye urur, taasina ay ku timid faragelin Madaxweynuhu si toos ah u sooo farageliyay golayaashii sharci dejinta haddaba, marka la eego dhammaan dhacdooyinkani oo ah waxoogay yar oo ka mid ah dhibaatooyinka dhacay ee UDUB diiwaangelisay, isla markaana ay jiraan kumanaan kale oo aanaan halkan ku soo wada bandhigi karin, lagana yaabo inaad idinkuba qaarkood xasuusan tihiin, waxa xukuumadda Axmed Siilaanyo looga fadhiyaa waxqabad ay sheegtay inay faah-faahiso sidan oo kale.

Haddaba anaga oo aan odhanaynin waxba may qaban ilayn nin meel fadhiyaa wuxuun wuu qaban'e miyaan la odhan karin 7% ayay xukuumaddu qabatay, balse todobaatanka waxa kaga dhacay khalad madbici ah (typing error). Haddii aanay sidaasi ahayn waa looga fadhiyaa inay soo bandhigto todobaatankaasi oo qodobaysan.

 

Allaa Mahad Leh

Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro)

 Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB

Comments are closed.