http://geeska.net/wp-admin/post-new.php

0
937

 

cumarHargaysa( Geeska)- Suldaan Cumar Suldaan Maxamed  Suldaan Faarax ayaa xukuumadda iyo cid kasta oo ay qusayso ugu baaqay in si dhaqso ah loo soo qabto ninkii dilka ka gaystay degmada Oog , waxaanu sidaas ku tilmaamay sida kaliyaata ee lagu kala bogsan karo.

Sida oo kale suldaanku waxa uu komishanka doorashooyinka ugu digay inay sanaaduuqda doorashada gayn waayaan bariga Somaliland, waxaanu u soo jeediyay inay ilaaliyaan xaqa muwaadinka reer Somaliland, oo aanay kala qaybin muwaadiniinta reer Somaliland.

Waxa uu sidan ku sheegay Suldaan Cumar mar uu xalay la soo xidhiidhay wargayska Geeska Afrika. Waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Marka hore waxaan rabaa inaan dhawr qodob ka hadlo, waxaan ugu horaysiin lahaa, nimankii dhawaan lagu laayay magaalada Oog, runtiina had iyo gooraale waa shil dhaca, mar walbana dadka Somaliland waxay caadaysteen in la yidhaado waanu ka xunahay oo geeri xun bay ahayd tacsina waa la dhigayaa iyo barnaamijyo noocaas ah, markaas tacsi waxa ka qurux badan oo aan aad iyo aad anigu u doo rbidayaa in ninkii gaacn ku dhiiglaha ahaa gacanta lagu soo qabto, gacantana laga galiyo cidii eedaas laga galay, sidaas ayay dawadu ku imnaysaa, cid kasta oo hawshaas rabta inay gashaana waxaan jacelahay in gacan ku dhiiglahii la soo qabto, xukuumadana sidaas yaan ku adkaynayaa.”

Suldaan Cumar isaga oo ahdalkiisa siiwata waxa uu dhi “ Qodabka labaad runtii waxaan ugu horayntii hanbalyaynayaa ururdan  sida wanaagsan hawsha u galay, insha allaah inta kalana inay nabadgalyo inoogu dhacdaan rajaynayaa, inkasta oo ay jireen waxyaabo anshaxa u xumaa oo ah in wax laga badalo ah hadana waan hanbal-yaynayaa. Waxa kale oo aan jeclahay inaan ku daro goobahan la dhigaayo sanaaduuqda codaynta, Somaliland bari iyo galbeed iyo in dhexeba way leedahay, waxaan haboon in qofka muwaadinka ah xaqiisa lasiiyo, waayo dastuurku waxa uu muwaadinka siiyay inuu wax doorankaro lana dooran karo, xaqaasana komishankuna kama qaadi karo,baarlamaankuna kama qaadi karo, madaxweynuuna kama qaadi karo, sida hore u dhaci jirtay in la yidhaado lama dhigaayo sanaaduuq bariga oo waxa lagu talo galayaa in dadka layska soo yeedhsado uun, runtii waa arin aad iyo aad nusqaan ugu leh samcada Somaliland iyo jiritaankeeda.  Waxaan soo jeedinayaa markaas in dhamaan goobkasta oo Somaliland kamid ah la geeyo sanaaduuqda doorashada, qofka muwaadinka ah isagaa xaq u leh inuu ku rido iyo in aanu ku ridin. Lakiin waxa uu xaq u leeyahay in  codkiisa loo dhawro, waxaanan qolada komishanka ku adkaynayaa inay arintaas ka feejignaadaan.”

Ugu danbayntii Suldaanku waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in aanay u hanqaltaagin isbadalada ka socda Xamar, ee ay ilaashadaan qaranimadooda“Qodabkan doonayo inan ku naqtiimaana waa Somaliya, inagu Somaliya wax xidhiidh ah lama lihin ee Somaliland ayaa layna yidhaahdaa, cid kasta oo Somaliya laga laga magacaabaa  ciday doonto hanoqotee, maaha in hanqaltaag aynu u samayno, Somaliland go’aanbay gaadhay masiirkeedan umadeed ayaa iska leh, Xamarna waxba inagagama xidhna ee waxaan leeyahay waxba yaan loo hanqaltaagin.”