Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa; Maalin-qorka Boobe Iyo Qaybta 25aad

2
862

 

bobeSubax wanaagsan. Waa mar kale iyo taxanaheennii. Waa tii aynu ballanta lahayn saaka in aynu ku wada quraacanno Qormadan 25aad. Aniga waa igu Qormada, dalabkiinna kalena idinka ayuu idiin yaalla, ninba waxa uu ku liqikarayo.

Warqaddii la ii dhiib. Aniguna xishmayn iyo qadderin awgeed gurigii ayaan la tegay oo xataa waxan ka xishooday in aan warqad Madaxweyne ka timid suuqa iyo baabuurka ku dhex furto.

Hadda waxaan joogaa gurigaygii, weliba qolkii hurdada oo cid la’ ah. Warqaddii ayaan furay. Waa kuwii caadiga ahaa ee buluugga khafiifka ah ahaa. Summaddeedu waxay ahayd: JSL/M/XIL Q/249/1-1280/082012,kuna taariikhaysnayd: 29/08/12, kuna suntanayd Xil-ka-qaadis. Warqaddani waxay ku jihaysnayd Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. Bal hadda u fiirsada, waxa la igala hadhay oo la ii quudhi waayay Wacyi-gelintii. Sheekadu waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Waa Madaxtooyadeennii oo qaldaysa magacyadii Wasaaradaha. Fiirsasho-la’aanta jirtaa ilaa xadkaas ayay soconaysaa. Belo waa danbeysaa ee ii yar kaadiya.

Warqaddani waxay ogeysiin ugu socotay xil keliya oo ah Wasiirkeenna amran ee Gaashaandhigga, saaxiibkay Axmed Xaaji Cali Cadami. Haddaba warqadda maxaa ku qornaa?

Warqadda oo ku bilaabmaysay: Mudane, waxay ka koobnayd ilaa lix sadar ama laynba. Madaxweynuhuu, wuxu ku bilaabayaa:

“Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.”

Wuxu intaa ku kabayaa:

“Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee JSL.”

Bal hadda u fiirsada in aan weli qayb Wasaaraddii ka mid ah oo Wacyi-gelinta ahaanu Madaxweynahan xilka iga qaadayaa xusin soona hadal-qaadin. Waxay ka mid tahay gefafka maamul ee madax ilaa minjo ku taxan maamulkan uu Siilaanyo madaxda ka yahay.

Odhan maayo anigu Xisbiga talada haya ee Kulmiye, maxaa yeelay haddii uu talada dalka hayn lahaa 25kaa Qormo ee aan idiin soo bandhigay iyo kuwa soo socda meel ayuu ka soo geli lahaa. Waa xisbi iyo xukuumad run ahaantii aan wada joogin ee kala maqan oo aan waxba wadaagin.

Qalinkaa hadba ila taraaraya oo inta nabar guudkeenna ku taal ayaa hadba mid I damqanayaa, markaasaan kii hore illoobayaa. Sheekadeennii ku soo noqo.

Warqadda Madaxweynuhu xilkii Wasaaradda Warfaafinta igaga qaaday ee aanu ku asdayn halka uu geeyay xilkii kale ee aan hayay ee Wacyi-gelinta, wuxu ku soo gunaanadayaa:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad samiah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadhah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Bal qoraalka ereyadan u fiirsada. Laba sadar iyo badh ayay ku jiraan labada erey ee aan madoobeeyay oo si qaldan loo qoray. Waa ayaan-darrada Af-soomaaligii haysata oo xataa Madaxweynihii aanu dan iyo muraad ka lahayn in si qalad ah loo qoray iyo in kale. Ma laga yaabaa in aanu Mdaxweynuhuba aamminasanayn in qoraalka iyo higgaadda Af-soomaaliga xil ka saran yahay.

Waxaan isu diyaariyay in aan xilkii wareejiyo sidaa Madaxweynuhu codsaday aniga oo mar kasta u arkayay in ay qalad ahayd sababta uu xilka iiga wareejinayay. Awooddeeda iyo sharciyaddeeda waa uu leeyahay oo isaga ayaa marka horeba I magacaabay. Gefka iyo gabbood-falku wuxu ku jiraa in uu iska kay hor taago oo weliba xilka igaga qaado awood aan sharci ahaan u lahaa oo aan adeegsaday oo aan laba Agaasime-waaxeed ku beddelay oo uu isku deyay in uu igu khasbo in aan soo celiyo oo go’aankaygii wasiirnimo ka noqdo. Markii aan ka diidayna aniga ayuu xilkii iga qaaday, waxaanan aamminsanahay in aanu awood iyo xaq midnaba u lahayn in uu iga hor joogsado in aan aniguna xilalkayga iyo awoodahayga adeegsado. Waa gef aan qiil loo hayn oo meel-ka-dhac ku ah habsami-u-socodka hawlaha Qaranka. Madaxweyne kastaa wax kasta oo madaxiisa ku soo dhaca ma samayn karo. Wuxu samayn karaa oo keliya wixii uu xeer iyo xaagaan ahaan xaq u leeyahay ee Dastuurka Qaranka ugu cad.

Malahayga, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi maansadiisii Gudgude, ma aydaan dhuuxin gefba ha igu ahaato e’. Sow kii ina lahaa:

“gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane,”

Cabbaar markii aan guriga joogay ayaan garaacay lambarkii aan Madaxweynaha kala hadli jiray. Saacaddu waxay ku beegnayd ilaa 1.30kii duhurnimo. Dareenkayga markii tilifoonka la iigu dhiibay waxaan is-idhi waa uu qedaynayaa. Hadda waa malaawaalkayga.

Aniga ayaa hadalka ku horreeyay. Bariido ka dib, waxaan u sheegay Madaxweynaha oo aan ku idhi:

• Mudane madaxweyne, waan helay oo waa ay I soo gaadhay warqaddii xil-ka-qaadista ee aad ii soo qortay,

• Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadista,

• Mahad-naqayga aan arrintan kaaga mahad-celinayo qoraal ayaan kuugu soo gudbin doonaa,

• Mudane Madaxweyne waxa kale oo aan kuu soo qori doonaa maqaallo kale oo taxane joogto ah noqon doona,

• Mudane Madaxweyne, waxa kale oo aan kuu sheegayaa in aanan dib ugu noqon doonin bulshadii rayidka ahayd,

• Sidaad iiga soo kaxaysay ayaan uga maqnaan doonaa bulshadii rayidka ahayd oo aan is-lahaa noloshaada ku dhammayso,

• Waxaan kaa ballan-qaadayaa inta nolosha iiga hadhay in aanan saaxadda siyaasadda ka maqnaan doonin,

• Ka dibna waxaan soo saaray War-saxaafadeedkan oo aan ku baahiyay qalabka war-baahinta intooda badan.

• Sida ay u socdaan Qormooyinkanina waxay I noo noqon karaanba Buug-yare aynu jaxaasanno oo laabta ku haysanno. Hadda waxa aan idiin ka warramayaa waa wixii iga qabsaday afar bilood oo aan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta joogay. La-ye: “Meel kastana in gubtaa waa ay hoos taallaa.” Odhaahda guunka ah ee Soomaaliyeed ayaa sidaa ahayd.

(La osco……………………)

Comments are closed.