“Wax Baa Inaga Khaldan, Dariiqan Aynu Hayno Ee Ictiraaf Raadintu Waa Madhalays, Waxba Kamay Soo Bixin Ee Dib Ha Loogu Noqdo”

0
744

Kijaandhe oo farriin u diray saddexda murashax ee Cirro, Muuse iyo Faysal

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu saluug iyo walaac  ka muujiyey qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu ku taliyey in wax laga bedelo qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu talo u soo jeediyey Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay ictiraaf raadinta Somaliland “Haddii aynu nahay Somaliland, waa inaynu bedelnaa  Siyaasadeena ku waajahan Ictiraaf raadinta, waa inaynu dib ugu noqonaa, oo aynu bedelnaa, dariiqii aynu haynay 21 sannadood ka hor ayeynu ilaa maanta haynaa, markaas arinkan Ictiraaf raadintu dib u eegis buu u baahan yahay, waxba inaga khaldan, dariiqan aynu hayno ee Ictiraaf raadintu waa madhalays, waxba kamay soo bixin, ee dib ha loogu noqdo”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ee lagu wareejinayo Somaliya ayaa yidhi “Dawlad la ictiraafsan yahay ma nihin, haddii aynu noqon lahayn Dawlad la ictiraafsan yahay inaga ayaa la inagu wareejin lahaa, waana in dhinaca kale looga wareega”.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waxaan Shacabka ugu baaqayaa, oo aan leeyahay Qabyaalad waxba ha ku doorarina, dalkani hogaan wanaagsan oo daacad ah buu u baahan yahay, marka musharax walba waxaynu ka aragnay iyo taariikhda uu leeyahay ha lagu doorto, saddexda nin ee sharaxani, waa saddex nin oo ilmaadeeradeena, oo walaalaheena, marka waxba cunfi ma jire, ee ninkii halka aynu doonayno dalka gaadhsiin lahaa, aynu doorano, reero tartami mayaan, Faysal, Muuse iyo Cabdiraxmaan, Saddexduba waa ilamaadeeradeen, ee aynu ku kala doorano waxay yihiin”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu u diraayey baaq Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan leeyayay Doorasho aan turxaan lahayn, oo walaaltinimo leh, oo la isku tudhayo, diyaar ha loo noqdo, oo hadalada xanafta leh, ha la iska daayo, waxaana ku talinayaa inay inoo dhacdo Doorasho wanaagsan oo Dimuqraadiya, oo sida Doorashada Kenya aan inaga noqon, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay Dimuqraadiyada Somaliland ka socota nagu taageera, Doorasho wanaagsana wey inoo dhici doontaa”.