Badhasaabka Gobalka Hawd Oo Sheegay In Wakiilka Somaliland Ee Djibouti Uu La Baxsaday Baabuur Ay Wasaaradda Daakhiligu Isaga U Qorshaysay

0
864

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Hawd Ibraahim Xaaji Cali Xasan, ayaa wakiilka Somaliland ee dalka Djibouti Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, ku eedeeyay inuu dalka Djibouti ula baxsaday baabuur ay wasaaradda daakhiligu amartay inuu ku wareejiyo badhasaabka.

Guddoomiye Ibraahim, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in baabuurka oo ay isaga siisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uu wakiilka Djibouti ka gaws adaygay inuu ku wareejiyo markii xilka laga qaaday islamarkaana uu ula fakaday sidii uu u haystay, Djiboutina kaga xidhay taariko.  Wuxuu badhasaabku yidhi “Gaadhigaasi weli aniga igumuu soo wareegin ee waa kii uu safiirku wadan jiray markuu wasaarada arimaha gudaha joogay, qolada wasaarada ayaa aniga igu tidhi gaadhigaas la wareeg; gaadhigii ninkaasi  wuu la baxsaday oo warkaasi waa mid xaqiiqo ah. Laakiin gaadhiga aniga igalama uu baxsan ee sidii uu u haystay ayaanu u soo wareejinba, lanbar kale iyo waxbuu kaga xidhay Jabuuti markaas ninkaasi si sharci darro ah ayuu gaadhigaas ula baxsaday.” sidaas ayuu yidhi badhasaabka gobalka Hawd.

Wakiilka Somaliland ee Djibouti Mr. Cabdifataax oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.