Itoobiya Oo Ka Hadashay Cadaysay Doorka Ay Somaliay Ku Lahayd Dhiibidda Mr. Qalbi-Dhagax

0
923

Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay ka hadashay doorka ay dawladda Somaliya ku lahayd dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsanaa jabhadda ONLF.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in Somaliya dhiibitaanka ninkan ku lahayd door fududayn ah. “Somaliya waxay ka qaadatay door fududayn ah dhiibitaanka Mr. Cabdikariim Sheekh Muuse.” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo aan faahfaahin dheeraad ah raacin.

Dawladda Somaliya ayaa ku eedaysay jabhadda ONLF inay tahay urur argagixiso, waxaanay sheegtay inay dhiibtay ninkan ka dib markii ay dib u eegtay heshiisyo ay wada galeen Somaliya iyo Itoobiya. Laakiin dawladda Somaliya ayaa arrintan kala kulantay xiisad siyaasadeed oo kaga oogantay gudaha Muqdisho.