Wasiirradii Shaqada Ugu Maqnaa Kenya Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Ujeedada Safarkooda

0
519

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiiraddan oo kala ahaa  Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagal-toosiye), iyo Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo Shalay ka soo degay Madaarka Caasimadda, ayaa waxa Madaarka kaga hortagay Masuuliyiin iyo Shaqaale ka kala socda Wasaaraddahooda,Salaadiin, Madax dhaqameed iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo isagu halkaas ka hadlay ayaa ka xog waramay ujeedada safarka ay ku tageen dalka Kenya, waxaanu yidhi “Siddeedii bisha ayaanu halkan kaga baxnay Wefti ka kooban lix qof, Afar Wasiir, Wasiirka Deegaanka, aniga oo ah Wasiirka Qorsheynta,Wasiirka Beeraha, khabiir nagala socday isku daba ridka Maaliyadda, oo nagala socday Maaliyadda, iyo Madax nugu habka cusub ee la isku maalgeliyo, ee Wasaaradda Qorsheynta, waxa aanu sii marnay Adis-ababa, halkaas oo ay naga sii raaceen Wasiirka Arrimaha Dibada, iyo la taliyihiisu, markaas anaga oo ah Wefti Siddeed qof ah ayaanu ka dagnay Nairobi”.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ka hadlay sababta ay u tageen Kenya ayaa yidhi “Ujeedada aanu u tagnay waxa ay ahayd in aanu aragno deeq bixiyayaasha, iyo cidda inala shaqeeysa, oo aanu uga warano xaalada guud ee Wadanka, dhinaca Nabadgeliyada, dhinaca Horumarka, mashaarciida, wada hadalka aniga iyo Somaliya, xaalada Siyaasada, khaasatan Dorashooyinka, in aan ugu warano oo aanu iska wareysano, waxa kale oo aanu u soo bandhignay qorshaha qaranka iyo mashriicda inoo mudan”.

Wasirka Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Intii aanu joognay waxa aanu aragnay Hay’addaha Caalamiga ah ee UN-ta, ilaa Saddex Hay’addood, waxa aan kala oo aragnay ilaa iyo 11-safaaradood,po ah deeq bixiyayaasha, waxa kale oo aanu soo marnay Bandhigaga Dunida,waxa kale oo aanu soo marnay Bangiga Afrika ee Horumarka, EU-dana waanu soo marnay, USAID-kana waanu soo marnay, waxa kale oo aanu la kulanay Jahlayida reer Somaliland ee Nairobi, si aad iyo aad u qurux badan ayey noo soo dhaweeyeen”.