“Xasan Guurow Haddii Aad Tidhaahdeen Dawladi Jirimayso Waxaan Ku Leeyahay … ” Wasiir Xirsi

0
482

Picture3Hargeysa(Geeska) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland,  Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa jawaab ka bixiyey qodobbadii ay dhawaan Xisbiyada Mucaaradka iyo Madashu ay ka soo saareen jiritaanka Xukuumadda marka la gaadho muddo xileedkeeda oo ku eeg 26-june ee Sannadkan,  iyaga oo sheegay in aanay dawladda aqoonsan doonin, haddii aan talo talo qaran la isugu iman.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland oo Munaasibad dhaqan oo meher ah isugu yimid shalay ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, waxaanu tilmaamay in shuruuc iyo nidaam loo raacayo, isaga oo si gaar ah ugu soo hal-qabsanaya Xasan Guure ayaanu yidhi “Halkaas waxaan ka arkaa saxiibkay Xasan Guure oo hore iigu halqabsaday, maanta ayaan ka jawaabaya waxaan leeyahay, Xasanow waxaynu isku ogayn dadkaas kale haloo galaba gurdeeyo, lakiin in aynu innagii iskula soo noqo maynaan isku ogayn. Hadad tidhaahdeen dawladi jirimayso, waxaan idin leeyahay way jiraysa dawladnimada Somaliland”

Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Doorashadu waa nidaam dalkani qaatay waxaana loo racayaa shuruucda iyo qawaniinta waddanka u yaala, cid wax cusub hore u keentay hadana keenaysa ma jirto waxaan markaas odhan laha waar yaynaan inagu isu soo hulaaban oo isku xiijin wax aanay waxba ka biirayn”.