Dr. Xuseen Xoog Oo Si Xiiso Leh Uga Sheekeeyey Qaabkii Xilka Loogu Magacaabay Iyo Waxqabadkiisii

0
785

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen Xoog),ayaa si rasmi ah xilkii wasaaradaas ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradaas Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye).

 

Xil wareejintan oo lagu qabtay isla gudaha wasaarada caafimaadka, waxaa ka soo xaadiray masuuliyiin aad u tiro badan oo ka kala socotay qaybaha kala duwan ee xukuumada iyo waliba Siyaasiyiin cul-culus. Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Xuseen Xoog ayaa markii ugu horaysay si xiiso leh uga sheekeeyay qaabkii xilka loogu magacaabay iyo sida lagaga qaaday,waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in xilka lagaga qaaday arimo la xidhiidha inay kala xidhiidh furteen isaga iyo beesha uu ka soo jeedaa, isaga oo sheegay in beeshiisu ay iskula-yaaban tahay muxaafidnimada xad dhaafka ah ee aan lagu aqoon dadkuna ay kula yaaban yahiin wakhtigan.

Khudbadiisan ayaa uu sida oo kale Dr.Xuseen Xoog kaga waramay wax yaabahii u qabsoomay intii uu wasaarada joogay,isaga oo tilmaamay da’daalka ay ku bixiyeen sidii ay adeeg caafimaad u heli lahaayeen dadka reer Somaliland,waxa uu xusay kor u qaadida aqoonta shaqaalaha wasaarada,soo kordhinta MCH-yo badan iyo Gaadiidka Gargaarka dag-daga ah, adeega loo yaqaano xidhmooyinka ee lagu badbaadiyo hooyooyinka, mishiinka kalyaha sifeeya, taageerida cisbitaallada guud ee dalka gaar ahaan cisbitaalka guud ee Hargeysa, kor u qaadida wada shaqaynta haayadaha caafimaadka ka shaqeeya iyo wasaarada.

Wasiirka cusub ee wasaarada caafimaadka Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye),ayaa isaguna hadalo kooban ka dib la wareegay xilkaas wasaarada caafimaadka ee dhawaan loo soo magacaabay.

Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Xuseen Xoog ugu horayntii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anigu waxaan ahaa xubin fir-fircoon oo ka mid ah Kulmiye oo fagarayaasha ka qayliya oo yidhaahda  dadka is-beddal ayaanu samaynaynaa, markii uu Kulmiye ku guulaysatay talada dalka, aniga oo daal badan tirsanaayey saddex-dii sano ee ugu danbaysay  oo dagaal kula jiray beesha aan ka soo jeedo oo madaxweyne u sharaxnaa, waxaan jeclaystay kol haddii aanu hawashii aanu wadnay aanu ku guulaysanay in aan daalka meel kula dhaco oo aan danahayga iyo boogahayga aan dhaydo, markii uu Kulmiye ku guulaystay talada dalka anigu runtii  macaa  Madaxweyne Siilaanyo hambalyo uguma tagin aan ku bogaadinaayo heli taankayaga, shaqadaydii ayaan bilawday,waxaan ugu tagi waayey waxa weeye  Xisbiyahanada fir-fircoon ee xisbigan u soo halgamay hambalyooyinkooda waxaa ka mid ah  Madaxweyne Liiska ha iga reebin waa qayb ka mid ah, ana ma rabin in liiska la igu soo daro, waxaa markaa soo baxday hadal hayn ahayd  Xuseen Xoog Caafimaadka lagu qorayaa runtii ma rumaysan  maalintii lagu dhaawaaqaayey aniga oo meeshayda ka shaqay sanaaya ayuu nin Telefoon ii soo diray oo yidhi, (waa lagu xaadiriyey) anna markaa ma rumaysan waayo waxaan ka fakiraayey haddiiba ay dhacdo in Madaxweynuhu yidhaahdo Adeero halkaas ayaan kuu magacaabayaa ka waran, ileen waaba la diidi-karaaye, markaa runtii may dhicin.”

Wasiika hore oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Anigu in la I magacaabay ma rumaysan ilaa aan dhagaystay warkii labada arintaasi igumay dhaadhicin, waayo Suldaan iyo oday cid aan hawl galiyey ma jirin runtii markaan ogaaday in ay Caddahay ku dhawaaqidu, ayaan naftayda la tashaday ilayn go’aan ayaa meel ii yaalaye, Madaxweynaha waxaan u agmari waayey waxay ahayd xaataa yuu ku xasuusan, waxaan ku tashaday markii hore inaan madaxweynaha ku idhaahdo madaxweyne adiga oo I xurmeeyay hawshaas wadi-kari maayo oo waan daalanahaye ee danahayga gaarka ah ayaan wadanayaa, hadana dibaan isu mirtay oo waxaan idhi waxaad tahay dadkii qaylinayay ee lahaa waxbaanu badalaynaa oo intaad u soo halganteen inaad kursiga timaadaan, halganka looga baahan yahay waxii dadka aad u sheegayseen ayaa ka dhib badan,taasina hadaan wakhti la galin oo aan naf hurid la samayn ma suurto galayso.

Sidaa Ayaan xikii ku qabtay waxaana la ii dhaariyey wasaarad qaran, Caafimaadka Bulshada Somaliland in aan kor u qaado ayaa la ii dhaariyey, Balanqaadka iyo dhaarta wax kale oo dheer ayaa jirta, waxaa jirta masuuliyad kale oo aan Madaxweyne kuu sheegayn oo aan dhaartana ku jirin oo dhexda laga sii qaato Taasi oo ah in aad Reerka iyo dawlada isku xidho.”

Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr.Xuseen Xoog ugu danbayntii waxa uu hadalkiisan ku soo gunaanaday sidan “Runtii arinkaas qudhiisana maan gabin oo waan ku shaqeeyay, waxa markhaati ka ah oo maanta cid waliba ay qiraysaa Somaliland wax kasta oo dhacaa waa ay duuban yahiin, may dhacin beeshaas aan xageeda ka soo talaabay wax hadal ah oo laf jab ku ah qaranka iyo dawladu oo xagooda ka dhacay, Muxaafid nimada reerkaas maanta iyaguna waa ay isla yaaban yahiin dadkuna waa ay la yaaban yahiin, markaas xanta odhanysa wasiirkii iyo reerkiibaa kala xidhiidh furtay oo sidaas ayaan wasiirka u badalnay ma jirto ee waa sunihii dawladnimo ee ahaa in ninba mar hogaanka qabto. hadii midhadh af-miishaaro ah ay waxaas oo kale wadanka ay galiyaan oo ay u baahnaayeen in marshafyo loo furo oo jaadka iyo Pepsiga loo dhigo,taasi wasaarada fankeeda kuma jirto.”

Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo si kooban uga hadlay xafladaas uu xilka kula wareegaayay ayaa yidhi  “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa wasirkii hore ee wasaarada , waxaanan runtii jecelahay  in aan ugu mahadnaqo wax-qabadkiisa qotoda dheer ee uu qabtay intii uu wasaarada joogay aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa wax-qabadkaa wasiir Xuseen ee aan la qarin karin ,waxaanan saaxiibkay Xuseen Xoog ka codsanayaa in aanu naga fogaanin.”