Wasiiro Maanta Imaaraadka Carabta U Tagaya Gunaanadka Heshiiska Dubai World Ports Ee Dekedda Berbera Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
471

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xubno wasiiro ah ayaa maanta dalka Imaaraadka Carabta u tagaya gunaanadka heshiis la filayo inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

 la saxeexato shirkadda Dubai World Ports oo ah in maamulka dekedda Berbera lagu wareejiyo. Wasiiradan ayaa kala ah wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka hawlaha guud Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiiradan oo hore uga soo laabtay wadanka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay ilo xogogaali sheegeen inay maanta dib ugu laabanayaan wadankaas ka dib markii ay Madaxweyne Siilaanyo dib ugula soo noqdeen wada tashi ku saabsan wareejinta maamulka dekedda Berbera, waxaanay wararkani sheegeen in wasiiradani ay hore  shirkadaas Imaaraadka ugula soo saxeexdeen heshiis is afgarad ah. Wareejinta maamulka dekedda Berbera ayaa waxa ka dhashay dareeno mucaaradeed oo xukuumadda ku kacay, kuwaas oo ugu baaqay inay ka noqoto go’aan kasta oo dekedda lagu wareejinayo. Laakiin wasiirada Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dooday inay dekedda Berbera maalgashi u baahantahay, waxaanay beeniyeen wararka sheegaya in la iibinayo dekedda Berbera, waxanaya ku macneeyeen in maalgashi lagu samaynayo.